Awdalpress(Taleex) 20 Apr, 14–Wafdi uu hoggaaminayo xildhibaan Cali Khaliif Galayr oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen qeybaha bulshada.
Xildhibaan Cali Khaliif oo la hadlay dadweynaha ku soo dhoweeyay degmada Taleex ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisa Taleex.
Wuxuu beeniyay warar la isla dhex-marayay oo sheegayay inuu dhowaan booqan doono magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa dhowaan qabsaday Taleex oo xarun u ahayd maamulka Khaatumo, in kastoo markii dambe ay isaga bexeen, degmadana ay ku soo noqotay gacanta maamulka.
RBK