Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shucayb Aadan Xuseen oo la xidhay laakiin damiin lagu sii daayey,kana mid ahaa duqaydii ka hadashay dhibaha Badhasaabka

$
0
0

ceelbardaaleAwdalpress – Dilla – In mudda ahba waxa dadweynaha Dilla ka soo yeedhayey dhawaqyo is dhaaf  dhaaf ah, oo ay isaga soo hor jeedaan siyaasiyiinta dawladda u matasha degmada iyo odayada degaanka Dilla. Waxana ugu dambeeyey dhacdadii ay Badhasaabka iyo Meyerka Borama ku tegeen degaanka beeralayda ah ee Degmada Dilla ka tirsan ee la yidhaa Jaldhaabaha, oo mar kaliya uun lagu war helay saxaafadda.

Mooshinka ay Badhasaabka iyo Meyerku u tegeen deegaanka Jaldhaabaha ee ay ku sheegeen in ay beelo ku soo heshiisiiyeen, oo weliba ay soo xadeeyeen dhulkii la isku haystay ayey duqaydii degaankaasi si ka soo horjeedda uga hadleen. Waxana ay weliba aad ula yaabeen sababta Meyerka keenay dhul aanu xukumin. Iyo warkii beelo dhul isku haysta oo ay meesha ka saareen.

Kaddibna waxa degmada Dilla lagu xidhay nin ka mid ahaa odayadii saxaafadda la hadlay ee beeniyey warkii Badhasaabka, ninka la xidhay oo la yidhaa Shucayb  Aden Xuseen ayaa ka mid ah guddiga horumarinta degmada Dilla, waxana uu weli u xidhan yahay dawladda Hoose ee degmada Dilla, oo sida wararku ku soo gaadhayaan awdalpress laga soo amray gobolka iyo Hargeysa. Laakiin waxa Shuaib immiga lagu sii daayey damiin.

Sidoo kale waxa saxaafadda iyaguna si wada jir ah uga hadlay, Meyerka Dilla, Xoghaya degmada Dilla iyo Xisaabiyaha oo taageeray arrintii ay Badhasaabka iyo Guddoomiyaha degaanka Borama ay ku tegeen Beer la sheegay in ay laba nin isku haysteen, laakiin uu Badhasaabku ku sheegay in ay u tegeen arrin ammaan darro iyo beero ay u kala xadeeyeen beelo isku haystay.

Haddaba shabakadda Heemaalnews.com oo khadka telefoonka ku waraysatay ayaan warkan idiinka haynaa.

Ku soo dhawaada waraysi lala yeeshay Shucayb Aadan Xuseen oo ku magacdheer geeddiqsi si cadaaladdaro ahna ugu xidhan magaalada Dila kadib markii uu ka hadlay shirqoolkii dawlada siilaanyo ay doonaysay inay shaqaaqad kaga abuurto aaga ceelbardaale

Dhagayso Waraysi Aan La Yeelanay Mid Ka Mid Ah Guurtida Dagmada Dilla Oo U Xidhan Shaqaaqadii Geeddiqsi, Iyo Beerihii Wajaale Oo La Qaybiyey
HEEMAALNEWS.COM

Awdalpress.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles