Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo : Maamulka degmada Dilla, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Somaliland iyo duqayda degmada Dilla ee G/Awdal ayaa cabasho ka muujiyay Wasaarada Caafimaadka oo qorshaynaysa in xarunta Hooyada iyo dhalaanka ee degmada Dilla ay ka wareejiso Hay’ada Bisha Cas

$
0
0

57Awdalpress(Dilla) 27 Apr, 14–Maamulka degmada Dilla, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Somaliland iyo duqayda degmada Dilla ee G/Awdal ayaa cabasho ka muujiyay Wasaarada Caafimaadka oo qorshaynaysa in xarunta Hooyada iyo dhalaanka ee degmada Dilla ay ka wareejiso Hay’ada Bisha Cas oo iyadu gacanta ku haysay mudo 20 sano ku dhaw socodsiinta hawlaha caafimaad ee xaruntaasi.

Gudoomiyaha Degmada Dilla Ibraahim Cabdi Xaaji oo ka hadlay kulan lagaga hadlay saamaynta ay ku yeelan karto Adeegyada Caafimaadka ee degmada Dilla hadii bisha cas laga wareejiyo mashruuca xanaanaynta hooyada iyo dhalaanka ee degmada Dilla ayaa gudoomiyuhu sheegay in bisha cas tahay Hay’ad wadani oo aanay bulshada degmadu uga maarmi karin Adeegyada caafimaad ee ay ka fuliso degmada Dilla, wuxuu intaas raaciyay in ay bixiso adeegyo dheeraad ah, inay kala baratay deegaanada hoos yimaad degmada oo ay dadka ku buka siiba Hooyada iyo caruurta ugu adeegto si habsami ah, sidaas darteed ay codsanayaan in loo daayo hay’adani oo mudo ay is barteen..

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliland iyo duqayda deegaanka ayaa iyaguna sheegay in wasaarada Caafimaadka ee Somaliland gaar ahaan Iskuduwaha wasaarada ee G/Awdal ay dib uga laabtaan go’aanka ah in xarunta caafimaadka ee Degmada Dilla lagu wareejiyo hay’ad cusub, Isla markaana waxay codsi u direen Wasiirka Caafimaadka iyo cid kasta oo ay khusayso arintan Adeega xaananada caafimaad ee deegaanka Dilla.

Xildhibaan Axmed Barkhad wuxuu yidhi” Aniga oo ka mid ah xildhibaanadii laga soo doortay degmada Dilla waxaa na soo gaadhay qaylo dhaan, taas oo shacabkayagii ka timid, loona sheegay in laga xidhayo goobtii caafimaad ee deeganadan ka bixinaysay Adeegyada caafimaadka, waxaan soo jeedinaynaa in wasaarada Caafimaadka ee G/Awdal arintan dib uga laabato, Wasiirka iyo cid kastana waxaan u sheegaynaa in shacabka degmadu wixii ay raali ka yihiin loo daayo, loomana baahna in Hay’ad sanad ka bacdi baxaysa lagu bedelo Bisha Cas oo weligeed joogaysa, sidoo kale waxaan xukuumada leeyahay Shacabka degmada dilla yaan la fogayn siyaasiyan waa dad loo baahan yahay, Shacab tiro iyo tayo leh weeyi, Arimahan imika aan u nimidna waxay ka mid yihiin waxyaabaha shacabkan iyo xukuumada Kulmiye sii kala fogayn kara, halaga fiirsado go’aankana dib uga laabta hala yidhaa Wasaarada Caafimaadka ee G/Awdal iyo cid kasta oo madaxda wasaarada ee ay khusayso ah,..

Salaadiin iyo Cuqaal tiro badan oo iyaguna goobtaasi ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday waxqabadka Hay’addabisha cas iyo sida shacabku ugu diirsadeen adeegyadeeda caafimaad waxaanay xuseen in MCH ku u yahay guud ahaan deeganada degmada Dilla sidii Cusbataal oo kale. Wasiirka Caafimaadka waxay u direen codsi ay kaga dalabayaan in uu Arintaas si toos ah u soo farogeliyo, maadaama ay caqabad ku tahay bulshada degmada Dilla, dad gaar ahna ay u tirinayaan qorshahan kuwaas oo ay sheegeen inay ku danaysanayaan magaca xilka ay ka hayaan wasaarada Caafimaadka ee aanay eegayn danaha bulshada deegaankan, waxaanay Amaan u direen Wasiir Xaglotoosiye oo ay sheegeen in uu isagu indhihiisa ku arkay sida ay xarunta MCHka Dilla u shaqayso, isla markaana safarkiisii uu u balan qaaday Cusbataal inay ka dhisi doonaan degmada Dilla, sidoo kale M/weynaha Somaliland iyo Marwadiisa ayay duqayda degmada Dilla u direen baaq ku wajahan wax ka qabashada Adeegyada bulshada degmada oo wakhtiyadii degmada Dilla uu booqanayay ka balan qaaday inuu wax ka qabanayo, waxa kale oo duqaydu Amaaneen Hay’adda UNICEF oo bixisay mashruuca xanaanaynta hooyada iyo Dhalaanka ee MCHka Dilla, waxaanay ka codsadeen inay u sii wadaan sii socodsiinta mashruuca, Isla markaana ay raali ka yihiin Hay’adda Bisha Cas, taas oo u fulisay mashruucaasi sidii loogu baahna amase qorshuhu ahaa.

Si kastaba ha ahaatee Ha’ayada wadaniga ah ee Bisha Cas ayaa iyadu ah mida keli ah ee ka shaqaysa deegaanka degmada oo ah dhul beeralay iyo xoolodhaqato iskugu jira. Taas oo ay hay’ada bisha cas wax ka qabato dhanka biyaha, Fayodhawrka iyo Caafimaadka ee deegaanadaasi degmada Dilla ee G/Awdal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles