Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia oo lumiyey kalsoonidii golaha shacabka, golahana hor yimid si uu uga jawaabo su’aalo dhawr ah.

$
0
0

Baarlamaanka-Somalia-1Awdalpress – Muqdisho – Wasiirka Amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo aad ugu fashilmay sugidda ammaanka dalka, isla markaana lagu dhalliilayo arrimo badan oo siyaasadeed  ayaa  maalintii shalay hortagay baarlamanka iyadoo su’aalo laga weydiiyay arrimo ku saabsan amniga.

Bilowgii kulanka ayuu wasiirku dalbaday in marka uu su’aalaha ka wajaabayo dibadda loo saaro saxaafadda, laakiin waxay buuq iyo kala qeybsanaan ka dhex dhalisay xildhibaanada, iyada oo guddoonkuna uu go’aamiyay in loo codeeyo, waxaana ogolaaday inuu jawaabta ku bixiyo saxaafadda horteeda 140 xildhibaan halka 40 kale ay diideen, taasoo la macno ah in la diiday codsiga wasiirka. Halkaana ay ka muuqato kalsoonida uu ka haysto golaha Baarlamaanka.

Su’alaaha wasiirka la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa dilalkii dhawaan loo geystay labo xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, dad lagu laayay degaanka Muuri, weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday madaxtooyada, odayaashii lagu dilay Buur-hakaba, howlaha hay’adaha ammaanka iyo qaar kale.

Mar uu Wasiirku ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday madaxtooyada,  waxa uu  sheegay in weli baadhitaannadii weerarkaasi ay socdaan, lana shaacin doono marka la soo gaba-gabeeyo.

Wasiir Guuleed oo ka jawaabayay su’aal labaad oo ku saabsanayd Amniga dalka ayaa xusay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay heleen hay’adaha amniga 8,559 xog oo gabi ahaan khatar ku ahaa amniga dalka iyo xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Xogahan 8559 ah ee ay hay’adaha amnigu heleen, waxay ka howlgaleen 2,690 ka mid ah; kuwaasi oo loo arkay inay xaqiiqo u ekaan karaan, iyadoo ay weli socoto baaritaanno lagu hayo 2,046-xog oo ka mid ah xogaha soo gaadhay hay’adaha amniga. Sidoo kale, 434-xog oo ka mid ah waxaan la wadaagnay ciidamada xoogga dalka iyo AMSIOM,” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka ayaa ka dalbaday xildhibaannada inay u fududeeyaan hay’adaha amniga Qaranka howlahooda, sida inay ansixiyaan sharciga la dagaalanka argagaxisada oo la horkeeni doono baarlamaanka dhawaan.

Su’aallo weeydiinta Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa u haray 29 Xildhibaan sida Guddoonka Baarlamaanka ballan qaadayna su’aallahasi maalinnimada berrito ah ayey Xildhibaannadu dhameystiri doonaan,

Sidoo kalena waxaa berito isla Baarlamaanka hor imaan doona Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Bare oo kal hore ay baarlamaanku dalbadeen si uu isna uga jawaabo su’aalo.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images