Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maamulka Degmada Dilla iyo Guddiga Sare ee degaanka oo si wada jir ah u cambaareeyey Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo damac kaga jiro la wareegidda adeegga Bisha cas iyo Laanqayrta cas ee Dilla ka hawl gala.

$
0
0

red cross and red cressent flageAwdalpress – Dilla – Wariyaha ka soo warrama degmada Dilla Mohamed Omer Jaray, oo ku sugan magaalada Dilla ayaa waxa uu ka soo sheegayaa degmaadaasi in ay dadka degaankaasi aad uga kacsan yihiin arrimo ka soo yeedhay wasaaradda caafimaadka Somaliland oo lagu bur burinayo adeegga caafimaad ee xilligan ka jira Dilla, waxana uu noo soo weriyey in adeeg caafimaad oo ay Bisha Cas iyo Laanqayrta casi labaatan sanoba ka wadeen degaankaasi, ay immiga qarka u saaran tahay in uu dumo. Waxana la sheegayaa in wasaaradda caafimaadku ay damacsan tahay la wareegista hantida, dawada iyo adeegga caafimaad ee degmadaasi, iyada oo ka hor degeysa in ay qayb ka qaadato dhismaha dhakhtarka guud ee ay bulshada degaankaasi ku baaqeen.

Duqayda iyo maamulka degaankaasi oo si wada jir ah markii ugu horreysey uga wada hadlay xaaladda noocan ah oo kale ayaa sheegay in aanay marnaba raalli ka ahayn in wasaaradda caafimaadku la wareegto maamulka iyo horumarka dhinac walba leh ee ay beesha caalamka iyo hay’adaha caafimaadka caalamiga ahi dadka degaanka u qabtaan, waxana ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ka codsadeen in sidii maamulka caafimaadku ahaa loo daayo, wasaaradda caafimaadkana waxa ay ugu baaqeen in kor jooge ka ahaato adeeggaasi, oo aanay horeba shaqo ugu lahayn.

Haddaba war saxaafadeed ay qabteen ayey sidan ku sheegeen.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images