Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xisbiga Kulmiye shirkiisii Guud muxuu soo kordhiyey? maxaase u dambeeya?

$
0
0

articleSomaliland waxa ay soo jirtay muddo aad u dheer oo gaadhaysa 23 sano. Intii ay soo jirtayna waxa ay ku tallaabsatay horumar aad u weyn oo dhinaca maamulka iyo horumarka kaleba leh. Waxana muddadaa u qabsoomay doorashooyin iyo hannaanka xisbiyada badan ee ay qaadatay,  oo caalamka horumaray ku soo dhaweeyeen, kuna ammaaneen. Laakiin waxa dhinaca kale ay ku fashilmeen in ay kala saaraan nidaamka casriga ah ee dawladnimo iyo habkii qabaliga ahaa ee dhanka Somaliyeed ku salaysnaa.

Maamulladii is daba taxnaa ee wakhtigaa dheer ee ay jirtay Somaliland soo marayna, waxa caado u ahaa in mar walba la adeegsado qabiil. Dhaqanka noocaasi ahina waxa uu meesha ka saarayaa caddaaladdii iyo sinnaantii ummadda. Nidaamkii dawladeedna waxa Viras ku noqday qabiilka, oo aad u curyaamiyey shaqadii maamulka ee illaa heer degmo amma tuulo. Nidaamkii xisbiyada badan ee ay qaateenna waxa ay laftoodu noqdeen kuwo ku salaysan hayb qabiil.

Haddaba arrimahaa aan kor ku soo sheegnay waxa markhaati u ah sida xisbiga talada hayaa uu shirkiisii guud u qabsaday. Ee uu ergooyinkii ugu saleeyey qabiilka. Inkastoo ay haldoorka xisbigaasi amma dadka xukunka u hayaa ay mar walba ku dadaalayeen sidii ay u hagoogi lahaayeen is qab qabsiga hoose iyo farqiga u dhexeeya hawl wadeennada xisbiga. Taasi ayaana ugu horreyn sabab u ahayd in ay guddoonsadeen in shirka hortii wax walba oo la isku diiddan yahay amma khilaaf keeni kara dibadda lagu soo dhammayeeyo, iyada oo hayb qabiilla ay u adeegsanayaan.

Shirka ayaa iska ahaa mid  dadka xisbiga taageera lagaga farxiyo. Oo aan loogu talo galin in sidii shir weyne ahaan jiray loo galo. Sidaasi daraaddeed ayaan madashii shirka wax khilaaf ahi uga dhicin. Amma aan ajandayaashii shirka si isku midab ah loogu wada codeeyey, iyada oo codayntuna tahay far taag.

Arrinta ugu muhiimsanayd ee dad badani filayeen oo ahayd doorashada musharraxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeenkana dib ayaaba loo dhigay, oo lagamaba hadlin. Qaabkii uu hore ugu dhisnaana sidiisii ayaa loo daayey. Taasina waxa ay shiki gelisay dad badan oo taageerayaal u ah xisbiga, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in hawli dambayso, oo arrinta d00rashadu ay kacdoon cusub ku keeni karto xisbiga. Laakiin siyaasiyiin kale ayaa iyaguna aamminsan in Madaxweyne Ahmed Siilaanyo  loo dooran doono musharraxa xisbiga. Haddii sidaasi ay dhacdana ay suurta gal tahay in uu mar kale xukunka ku soo noqon doono.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin, in doorashada soo socotaa ay tahay mid aad uga culus tii hore ee Rayaale lagaga guulaystay. Waxana loo cabsi qabaa in xisbiga Wadani uu helo taageerayaal aad u luxdan. Hase yeeshee, waxa siyaasiyiin badani ay cabsi ka qabaan in lagu muquunin karo kala jab ku dhaca.

Xisbiga UCIDna sida la hadal hayo, meel fog ma gaadhayo, laakiin waxa uu codkiisu uu wiiqi karaa labada xisbi, gaar ahaan Kulmiye, in uu heshiis hoose la galo xisbiga wadanina way dhici kartaa, si uu dawlad wadaag ah ula dhiso.

Isku soo wada duuboo, xisbiga Kulmiye shirkiisii waxa uu kordhsaday dhalliilo iyo in lagu xanto amma ay ku caddaato in uu dib u soo nooleeyey qabiilkii, si faashil ahna waxa uu u maamulay shirkii uu ergooyinka u soo xulay haybta qabiil. Waxana u dambeeya in uu dib ka qoommamayn doono qaabkii uu shirku u qabsoomay iyo haybta qabiil ee uu talada saartay. Badbaadadiisnuna waxa ay ku jirtaa in uu Ahmed Siilaanyo soo dhiso dawlad dadka ku jiraa ay yihiin dad xul ah, oo hanan kara mujtamaca. Isaga oo weliba saxaya saamiga degaammada dalku u dhigan yahay.

Ahmedweli Goth

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images