Awdalpress – Muqdisho – Ugu yaraan 10-qof oo uu ka mid yahay xoghayihii hore ee gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan, askar ilaalo u ahayd iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa la sheegay in lagu xiray gaariga uu watay xoghayaha geeriyooday, waxaana sidoo kale ku dhintay afar askari oo ilaalo u ahayd iyo dad shacab ah, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen ku dhawaad labaatan qof oo kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta uu qaraxu ka dhacay yimid ayaa ku tilmaamay qaraxa inuu ahaa mid lasoo abaabulay, waxyeello bandanna geystay, basle ay ku jiraan baaritaanno ay ku ogaanayaan sidii uu ku dhacay.
Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobta ka qaadayay dhaawacyada iyo dhimashada dad badan oo isugu jiray shacab iyo askar, iyadoo ciidamada ammaanka dowladdu ay gabi ahaan xireen halkii uu qaraxu ka dhacay oo ka mid ah waddada muhiimka ah ee Maka Al-mukarama.
“Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, waxaana arkayay dhimashada dad isugu jira shacab iyo askar ilaalo u ahaa mas’uulka la dilay oo goobta daadsan, waxaan kaloo arkay dad shacab ah oo qaarkood ahaa rakaab gaadiidka dadweynaha saarnaa oo dhaawacyo qaba,” ayuu yiri Aadan Cali oo ka mid ahaa dadkii goobtaas ku sugnaa.
Waddada uu qaraxu ka dhacay ayaa ah goob mashquul badan oo gaadiid fara badan ay marayeen xilliga uu qaraxu dhacayay, iyadoo gaadiidkii halkaas marayay qaarkood ay khasaarooyin kala duwan gaareen.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay goor dhow ay faah-faahin ka bixiyaan qaraxaas iyo sida uu u dhacay, iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxa ah ee lagu dilay C/kaafi Hilowle.
Xoghayaha lagu dilay Qaraxa ayaa wuxuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii uu xilka ka qaaday bilhii lasoo dhaafay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).
HOL







