Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dagaal ka Qarxay Degmada Baladxaawo iyo Ciidamadii Itoobiya oo ka baxay

$
0
0

dagaaloAwdalpress – Muqadisho – Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo iska soo hor-jeeda oo kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa goor-dhow ka qarxay gudaha degmada Balad-xaawo ee  gobolka Gedo.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegay in ciidamadii Itoobiya ee degmadaas ku sugnaa ay saaka waaberigii ka baxeen, kaddib markii hareeraha degmadaas ay soo degeen ciidamo wata magaca Ahlusunna oo ka yimid degmada Dooloow.

“Xiisad ayaa illaa saaka ka taagnayd degmada Baladxaawo, waxayna xiisaddan u dhexeysay ciidammo horay ugu sugnaa degmada oo taageersan dowladda iyo kuwo ka yimid degmada Doolow oo taageersan maamulka KMG ah ee Jubba, dagaal ayaana goor dhow degmada ka qarxay,” ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL oo degmadaas ku sugan.

Sidoo kale, goobjoogaha oo sababo ammaan magaciisa u qariyay ayaa sheegay in shacabkii degmada ay intooda badan isaga baxeen degmada si ay uga nabadgalaan colaadda, inkastoo ay weli ku sugan yihiin gudaha degmadaas dad aad u yar oo qaarkood ilaashahan ganacsiyo ay degmada ku leeyihiin.

Degmada Balad-xaawo ayaa waxay kaabiga ku haysa degmada Mandheera ee dalka Kenya, iyadoo dadka qaarkood ay dhinaca degmada Mandheera aadeen, balse lama oga in ciidanka ilaalada xuduudaha Kenya ay sii dayn doonaan iyo in kale.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa degmada Balad-xaawo ka taagnaa muran u dhexeeya maamulka degmada iyo maamulka Doolow ee saakay duullaanka ku qaaday degmadaas, iyadoo la isku af-garan waayay dib u heshiisiin la waday.

Wixii kasoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

HOL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles