Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan: Waan soo dhoweynayaa qiimeynta waxqabadka dowladdeyda

$
0
0

Xasn shAwdalpress(Muqdisho) 07 May, 13–Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in qiimeyn dhab ah lagu sameeyo waxqabadka dowladda uu hoggaanka u hayo.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabayay bayaan ay dhowaan soo saareen in ka badan 100 xildhibaan oo ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh inuu is-casilo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho mar uu maanta ka soo laabtay safarro uu ku tegay dalalka Itoobiya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu diyaar u yahay la fariisashada cid kasta oo Soomaali ah oo tabaneysa ama haysa ra’yi lagu horumarin karo dalka.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ku dhaqanka iyo qaadashada ra’yi kasta oo lagu horumarin karo dalka.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta si xorriyad ah loo hadli karo, dadkuna ay ra’yigooda cabbiri karaan.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles