Wasiirka warfaafinta Somaliland mudane Cukuse ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyey in madaxweyne Ahmed Siilaanyo yahay musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye. Si cadna waxa uu u sheegay in marka shanta sano ee xilligan uu dhammaado uu Madaxweynuhu yahay musharraxa xisbiga.
Sidoo kale waxa uu hadalka ku daray in ay dad kalena isa soo sharrixi karaan, waxana uu carrabka ku dhuftay Muuse Biixi oo uu ku sheegay in uu dhawaq ka soo yeedhay.
Warkii oo maqal iyo muuqaal ah halkan ka daawo.
Awdalpress