Odayaasha muqdisho ka yimid ee la geeyey Borama, Berina Laascanood ayaa la geyn.
Erayadan waxa ka dhawaajiyey Siyaasi Maxamed xaashi cilmi oo ka mid siyasiinta S/Land, waxana uu ahaan jiray Wasiirka Maaliyadda ee xukumadan Siilanyo intii aan xilka laga qaadin. Sida badan waxa uu ka hadlaa marwalba arrimo uu isagu isleeyahay waa u dan bulshada S/Land, waxanana uu aad u dhalliila xukumadihii uu la soo shaqeeyey, sida tii Rayaale iyo tan siilanyo iyo ilaa iyo cigaal.Dhaliilaha nocaasi ahi waa wax looga bartay oo dadku inta badan caadi u noqotay iyadoo la ogyahay inuu qaarna ku khaldanyahay qaarna ku saxsanyahay.
Haddaba arrinkan maaanta uu ka dhawaajiyey Mohamed Xaashi waxay bannaanka soo dhigtay tuhunno badan oo laga qabay fikirka uu ka aminsanyahay S/land iyo cidda uu u haysato inay S/land tahay.Marka hadaba aad u fiirsato erayga Ina Xaashi, waxa uu maanta bedka soo dhigay in ay S/LAND tahay beesha dhexe ama dadka ku nool magaalooyinka, Hargaysa ,Burco iyo Berbera.
Ina Xaashi haddii uu odhan lahaa odayaasha Muqdisho ka yimid ee Borama la geeyey berrina Burco iyo Berbera ayaa la gayn, hadalkiisu qoonsi ma yeesheen oo waxa uu ahaan lahaa kaliya nin diiddan Odayaal Muqdisho ka yimid.
Hase yeeshee Ina Xaashi ma diiddana inay odayaasha Muqdisho ka yimid Hargaysa yimaddaan ,Burco iyo Berbera na tagaan, laakiin waxa uu diiddanyahay inay odayaasha muqdisho tagaan Borama iyo Laascanood.
Marka haddaba hadalka ina Xaashi iyo ujeeddadiisa aad u fiirsato runtii waxa kaaga baxaya macno weyn oo ah in iska daa dadka CAADIGA eh xataa Siyaasiyinta Beesha Dhexe qaarkood ay aminsanyihiin in S/Land tahay gobol beesha dhexe u gaara ,dadka kalena yihiin la haystayaal sida gobolada Galbeed iyo Bariga ee Borama iyo laascanood.Waxana arinkaa kuu iftiiminaya Erayga Ina xaashi oo Dawladda ku cananaya maxad Borama u gayseen odayasha Muqdisho Berina sow Laascaanood tagi mayaan.
Waxa hadalka Ina Xaashi ka muuqata in dadka ku nool gobolada Awdal iyo Sool aanay ahayn S/Land oo ay yihiin dad xoog lagu haysto sida awgeed odayaasha MUQDISHO hadii ay la kulman ay ka hor imanyso qadaiyaddi S/land ee gooni u su taagga oo sida u isagu qabo ku kooban beesha dhexe.
Kulankii Odayaasha Muqdisho iyo Madaxdhaqameedka Awdal Galbeedka S/Land .
Sida aan ku hayno warbaahinta kulanki dhex maray labada Madaxdhaqamed waxa uu ku dhacay jawi wanaagsan oo ay ku dheehantahay dhaqan somaliyeed o soo iireen ah oo ah in MARTIDA LA SOO DHAWEEYYO ,lana warasado .Sida Suldaan Suleyman Cali oo ugu d’a weyn salaadiinta Awdal ka dhawaajiyey ,,waxa uu kulankaasi u dhacay si walaalnimo .Waxa uu sheegay in aan arimahaa siyaasadda haba yaraatee aan laga wada hadlin hasee yeshee inta badan laga wada hadlay dhowr qodob oo ku saabsan sida nabadda iyo islaaxa bulshada S/land looga dhex dhaliyey ,,Tasoo saldhig ay u hayd Borama shirkii 1993 ee salka LOGU DHIGAY nabadda ,wadajirka iyo maamulka S/land ka hana qaaday 23 kii sandood e ina soo dhafay ,,,waxay odayaashu siyaarteen Jaamacaad Camuud oo noqotay ka dib burburkii Somaliyeed Jamacadii ugu horaysay ee Gayiga Somaliyeed ka hirgasha iyadoo weli aanay jirin dawlad dhexe .jaamacadda camuudna waxay noqotay nuur umadda somaliyeed ku dayato oo dhiirigalisay inaan dawlad DHEXE LA SUGAIN EE LA ISKU TASHADO oo Sida jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal oo Somali gees ka gees ay dhigtaan ardaydoodu.Waxay odayaashu booqdeen dugsigii sheikh Cali Jowhar ee lagu shiray Borama 1993 EE LAGU DHISAY DAWLADNIMADII s/LAND .Waxa odayaasha muqdisho ay goobahaas siyaarteen ee taariikhda S/LAND iyo guud ahanba Somaali ku xardhan ay ka faaiidaysteen waayo aragnimo ay wax badan ka kororsadeen.Intaas ka dibna waxa uu suldaan suleymaan sheegay inay la yeesheen odayasha Muqdisho shir ay isku xogogal warsadeen labada dhinac ,,iyadoo odayaasha Reer Awdal ay uga warameen sidii ay Colaadii walaahood Isaaq ay u joojiyeen ,,sidii ay nabad iyo maamul ay u sameeyeen ee ay dulqaad ugu yeesheen wixii dhib iyo dhagar kala dhex martay bulshada S/Land si ay u walaaleeyan bulshada S/land .
GABAGABO .
Ina xaashi iyo inta sidisaa u fikirtaa waxa ay bulshada S/Land ku yihiin CANCER aan dawo lahayn. Odayaasha Muqdisho ee borama socdalka ku yimid waxay la kulmeen intii ka noolayd ragii dhexda u xidhay inay colaadi SOKEEYE ee S/land joojiyan ,waxay siyaarteen goobtii lagu qabtay shirkii dib u heshiisiinta iyo dawladda S/land ee 1993 Borama ,waxay booqdeen xaruntii jamacadda Camuud ee S/land ku faanto ee gayiga Somaliyeed ka hirgashay iyadoo dawlad dhexe jirin, ka dibna lagu dayday .waxay odayaasha muqdisho gubaabo iyo dhiirigelin ka helaan hadaladii madax dhaqameedka Reer Awdal iyagoo aad ugu sharxay inaanay siyaasddu ahayn qori iyo awood ,,hase yeeshee awoodda ugu weyni tahay DULQAAD IYO ISKU TANAASUL .
Ina xaashi intaasoo wanaag ah e dhexmaray madax dhaqameedkii Awdal iyo Muqdisho waxa uu arkaa arka SHAR IYO FIDMO.Ina xaashi kaalinta reer Awda lee dhismaha S/Land kaga jirto ma arko ,,waxa uu arka kaliya qabiil ka duwan oo anay waxba wadaagin in la muquuniyo mooyaane ,,laascanood hadalkood ba daa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!. ilahow ku soo hadeee,,,,,,,,,,,,,,
Mohamed Dhiirane