Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muuse Biixi oo u hoggaansamay ergedii dhex dhexaadinta wadday. Shirkii berrito dhici lahaana dib uga noqday iyo ammaanka Hargeysa oo si weyn ay dawladdu uga hawl galshay.

$
0
0

kHILAAFKA KULMIYEXalay illaa maanta waxa cakirraa jawiga ammaan ee magaalada Hargeysa, waxana wareerka badan keenay qaraxyada labada ah ee labada casho ee is xigay ka dhacay magaalada Hargeysa. Sidoo kale dagaalkii ay isaga hor yimaaddeen ciidammada RRUda iyo malleeshiyo uu guriga ku haystay wasiir ku xigeenkii hore ee amniga, ayaa isna ahaa mid cirka ku sii shareeray cabsiga laga qabay ammaan xumo ka dhalata magaalada Hargeysa.

Arrimahaasi oo dhan waxa sabab u ahaa muranka ka dhex dhashay labada garab ee talada Somaliland u kala badanaya ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Wararka immiga na soo gaadhayaana waxa ay sheegayaan in uu Muuse Biixi ugu danbayntii oggolaaday waanwaanta ay soo jeediyeen golaha guurtida oo uu markii hore diiddanaa. ( BAL HALKAN KA DHAGEYSO GARABKA KULMIYE OO LAHJAD ADAG KU HADLAYA )

Dhawaqa xooggiisa iyo hanjabaadda ayaa maalmahanba aad uga soo yeedhayey garabka uu hoggaaminayo Muuse Biixi, halka dhinaca dawladda taabacsan amma Siilaanyo taabacsani aanay wax hadal ah ama hanjabaad ah  keenin. Balse ay xubno wasiirra ahi ay si cad u sheegeen in ay taageereyaal u yihiin in mar labaad la soo doorto madaxweynahooda Ahmed Mohamed Siilaanyo.

Si kastaba arrini ha ahaatee, sharcigii Muuse akhristay iyo shirkii uu dhawr casho horteed ku baaqay ayaa mar kaliya hawada ka baxay. Xaqiiqaduna waxa ay noqotay in xisbiga oo is haystaa aanu shir qabsan karin, loona baahan yahay in marka hore la soo kala baxo. Laakiin waxa iyaduna meesha ka baxday is aammin danbe, iyo Muuse oo lala galo gentleman’s agreement ( waa sidii markii shirka Kulmiye la qabtay loogu sallaxay in uu iska ahaado guddoomiyihiisii balse aanu ku soo hambaasin musharax ).  Ee uu laba casho kaddib markiiba iclaamiyey in uu la tartami doono Madaxweyne Ahmed Siilaanyo.

Su’aasha dadka reer Hargeysa is weydiinayaan ayaa ah Muuse hal adayg ma yeelan doonaa, oo damiciisa ma ka dhabayn doonaa, mise sidii lagu yaqaannay ayuu kooxda uu wato kaga bixi doonaa, oo iyagana daaqadda laga tuuri doonaa. Ta kale ee la isweydiinayo ayaa ah, haddii Muuse tanaasulo maxaa loogu beddelayaa damaciisii?

Isku soo wada duuboo, waxa cad in Muuse Biixi berri amma berri dambe ku soo dhici doono waddada cad oo uu yarayn doono buuqii. Lagamana yaabo in uu isku dayo ku dhagsanaanta damiciisa, saacadaha soo socdana waxa laga sugayaa in uu warkiisa caddeeyo. Haddii uu ku adkaystana waxa Ahmed Siilaanyo iyo taageerayaashiisa ka go’an in aan laga waaban sidii loo muquunin lahaa. Haddii uu dabcana, waxa uu waayayaa taageerayaal aad u badan, oo isku arki doona in ay jabeen. Dib danbena aan dhexdooda isku aamminin…..taasina waa laba daran mid dooro la i yidhi.

Awdalpress.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images