Awdalpress(Hargaysa) 30 May, 14– Khilaafkii mudooyinkanba ka dhexjiray madaxda xisbiga Kulmiye ayaa maalinba maalinta ka dambaysa u muuqda mid sii cakirmaya, Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Hargaysa laga sameeyay dhawr Qarax oo kala duwan, qaraxyadaasi oo aan cidna wax ku noqon waxa la sheegayaa in Banbooyinka gacanta lagu Tuuray meelo ka mid ah meelaha biyo mareenka ah ee magaalada Hargaysa gudaheeda, Sidoo kale waxay ciidanka Milatariga iyo kuwo loo tababaray la dagaalanka Argagixisadu weerareen xalay cabaar 1;30 AM Guriga uu Hargaysa ka degenaa W/xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor, waxaana loo taxaabay Xabsiga isaga iyo Xubno waardiye ka ahaa Aqalkiisa waxaana wararku intaas ku darayaan in rasaas faro badani ay dhexmartay ciidanka iyo ilaalada Guriga W/xigeenka, halkaasi oo nin ku dhaawacmay intii kalana ciidanku soo qabteen.
Wasiirka Arimaha Gudaha Warancade oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in qaraxyada ay dad u xidhxidheen, ayna ka dameeyaan garabka Muuse Biixi ee xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu sheegay wasiirku in gurigii xalay la weeraray Ciidanka Amaanku qoryo ku soo qabteen.
Dhanka kalana Garabka Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in dib ay u dhigeen shirkoodii la qaban lahaa maalinta Beri ah ee 31 May. Arintaas oo u muuqata in kooxdani Muuse Biixi ay isku keeni la’dahay dadkii ay golaha dhexe ku qorteen.
Hoos ka Daawo Dhalinyarada Beeshs Subeer Awal(H/Awdal) oo shirjaraaid ku qabtay Hargaysa iyo Berbera..
↧
Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ka Taagnaa oo Isku Bedelay Hab Beeleed iyo Dhalinyarada H/Awal oo Warbaahinta ka hadashay iyo Wararkii u Dambeeyay
↧




