Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo: Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Qaraxyada iyo Khilaafka Xisbiga Kulmiye, Isla markaana Cadeeyay Musharaxnimadiisa markii u horeysay

$
0
0

siilaanyo1-620x330Awdalpress – Hargeysa – Hore waxan wararkii hore ee shabakadda ugu soo qorray hadalkii Madaxweyne Siilaanyo uu saaka salaaddii subax ka yidhi khilaafkii xisbiga Kulmiye iyo damaciisa u qorshaysan in uu Xisbiga Kulmiye  musharrax madaxweyne  u noqdo doorashada soo socota ee sannadka dambe dhici doonta. Sida adag ee uu u hadlayna waxa ay meesha ka saaraysaa damacii Muuse Biixi ee buuqa badan dhaliyey.

Intii aanu maanta subaxdii Madaxweynuhu hadlinna, waxa ka horreysey go’aanka uu Komishanka doorashooyinku ku diiday liiskii uu soo saaray mudane Muuse Biixi. Halka ay sharci ka dhigeen liiska ka horreeyey ee ay soo saareen guddigii uu shirweynuhu u xil saaray soo saarista liiska golaha dhexe ee dooranaya musharraxa Madaxweynaha  ee Kulmiye.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images