Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Salaadiinta beelaha Samarroon qaar ka mid ah ee saldhiggoodu yahay Borama oo Dilla iyo Idhan u tegey qaadhan ururinta Dekedda Lughaya. Maxayse kala kulmeen?

$
0
0

Breaking_news-620x3301Awdalpress – Dilla – Dekadda Lughaya ayaa ah mashruuc ay aad u xiisaynayaan dadweynaha reer Awdal, Salal iyo Gebilay oo ay doonayaan in ay dhexda u xidhaan ka midho dhalintiisa. Mashruucan oo uu bilaabay urur la yidhaa ARDAA oo ka dhisan North America ( Canada iyo US ). Laakiin dhawaan la keenay dalka gudihiisa. Ayaa waxa maamulkiisa isku koobay dad gaar ah, oo aan culays badan ku lahayn gobolladaasi.

Haddaba, mashruucan dekedda ee dadka gobolladaasi u dhashay qaadhaanka looga ururinayo ayaa dibad iyo gudaba ka wada abaabul wajiyo badan leh. Waxana ay dad badani is weydiinayaan sida lacagaha loo ururinayo iyo shakhsiga lacag ugu deeqaa faa’iidada uu ka helayo. Sidoo kale habka qabiil ee dekedda loo dhisayo ayaa iyana ay su’aalo badani ka yaallaan. Kuwaasi oo la is weydiinayo in ay beelaha Samarroon kala qaybsanayaan 6da Milyan ee la sheegay iyo in gacanta uun la marinayo dadka.

Had iyo jeer waxa caado ah in marka kuraas la qaybsanyo amma badhaadhe kale uu dhex yimaaddo beelaha in markaaba lala soo boodo, saddexda dhadhaar ha loo qaybiyo. Balse marka ay arrintu sidan dekedda oo kale loo wado tahay, in dadka Samarroon loo wajaho hab ka geddisan, sida qurba joogga iyo qol qol joogga oo aan in badan ka maqallay. Sidii dariiqa loo dhisay oo kale.

Calaa kulli xaal, Salaadiinta maanta isku soo maray Degmooyinka Idhan iyo Dilla ayaa su’aalo badan iyo dood kala kulmay oday dhaqameedyadii iyo waxgaradkii ay degmooyinkaa ugu tegeen, taasi oo ay odayada degmooyinkaasi hoos ugu dhaadheceen sida hawshu u socoto iyo cidda maamulaysa. Si cadna waxa ay u sheegeen in ay yihiin bulsho cudud leh, oo deeq muglehna laga heli karo gude iyo dibadba laakiin ay habboon tahay in maamulka iyo sida wax loo wado oo warqad ku qorani ay ka horreyso in qaadhaan uun la weydiiyo.

Warkii salaadiinta oo maqal iyo muuqaal ahna halkan ka dhegeysta:

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images