Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaraxii saddexaad ayaa laga fuliyey magaalada Hargeysa.

$
0
0

Awdalpress – Hargeysa – qarax_miinoQarax  ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, waxana uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Somaliland. Hal ruux ayaana la sheegayaa in uu ku dhaawacmay. Illaa immagna lama hayo qaraxyadan cid sheegatay amma ka dambeysey. Sida wararku nagu soo gaadhayaana qaraxan ayaa lagu sheegay nooca Hargeysa looga yaqaan Shaani. Halka dadka qaarna ay magaciisa ku sheegeen Bambo gacmeedda F1.

Waa qaraxii saddexaad ee muddo usbuuc ah ka dhaca magaalada, lamana hayo cidda ka dambaysa qaraxyadan. Ammaanka magaaladana aad ayaa looga dayrinayaa. Dadweynuhuna waxa ay qaraxyadan  la xidhiidhinayaan in ay dabada ku hayso xurgufta ka dhaxaysa madaxda u sarraysa dawladda iyo xisbiga Kulmiye oo xaalkoodu uu meel xun marayo.

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in qaraxyadani ay yihiin hawl ku cusub magaalada Hargeysa ku soo biirtay, ammaankana u daran. Wixii war ah ee ka soo kordhana waan idinla socodsiin doonnaa.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images