Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Qaraxii Saddexaad ee ka dhaca Hargeysa

$
0
0

Taliyaha-BooliskaAwdalpress(Hargaysa) 01 Jun, 14–Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay caagadii saddexaad ee shaani ah oo galabta lagu qarxiyay  agagaarka Dhismaha Maktabadda Masaarida ee caasimadda Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in walaxda qaraxday loo qabtay laba nin oo baadhis kala duwan ay ciidanka Boolisku ku samaynayaan.

“Galabta abbaarro 5:30 galabnimo waxa walaxda shaanida lagu qarxiyay agagaarka dhismaha maktabadda masaarida ee caasimadda Hargeysa, waxa halkaas la dhigay aad ugu dhow ciidammadda ammaanka noocyada kala duwan. Waxaana ciidammadu gacanta ku dhigeen laba nin oo  kiiskan loo qabtay oo mid ka mid ahi wajiga ka dhaawacan yahay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo caawa u warramayay warbaahinta Qaranka.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Sidaas darteed, waxa ciidanka boolisku ay wadaan baadhis xoog leh oo aanan jeclayn inaan  ka hordhaco, waxase aan halkan ka sheegayaa dadka lagu qabto fal noocan oo kale ahi ciqaab adag ay mudan doonaan.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxa uu shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay cidii nabad-gelyadda wax u dhimaysa kala shaqeeyaan oo ku soo wargeliyaan ciidammadda Booliska.

Source: Warbaahinta Dawlada Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images