Awdalpress – Hargeysa – Oday dhaqameedyada magaalada Hargeysa ayaa Col. Muuse Biixi ku eedeeyey ammaandarrida magaalada Hargeysa, halka uu isaguna caddeeyey in dadka Djabouti ka sameeyey qaraxyadu ay 20 casho joogeen magaalada Hargeysa. Hadalkaa Muuse oo noqday mid ku markhaati furaya in uu wax ka ogaa qaraxa Djabouti, su’aasha jawaabteeda laga sugayaana waa sida uu ku ogaaday? in uu ogaa muddadaasi iyo cidda ogeyd ee u sheegtay oo uu xaqiijiyo.
Arrinta kale ee ammaanka kusaysa ee uu Muuse Bixi ka dhawaajiyey, ayaa ah ta uu leeyahay, Hargeysa guri kasta hub baa yaalla. Waaana dhawaq la yaab ku ah beesha caalamka ee hadalladan ka dhageysanaysa saxaafadda.
Waa la og yahay in Muuse Biixi dhaqan u leeyahay cunuf u hadal amma isaga oo aanu waxa calooshiisa ku jira qarin karin. Haddii immigadan su’aalo laga weydiiyo waxa dhacayana waxa aan shaki ku jirin in uu wax badan oo qarsoon caddayn doono.
Bal haddaba ku soo dhawaada cajaladahan maqalka iyo muuqaalka ah ee arrimahaa aan ka soo sheekaynay caddaynta u ah….. bal hoos nagala dhageysta:
Awdalpress.com





