Awdalpress – Muqdisho – Dhib aad u weyn ayey dadka khaliijka ku nooli ku qabaan cusboonaysiinta Baasaboorka Somaliga, waxana ay ku waayaan sharciga ay dalalkaa ku joogaan iyo shaqooyinka ay haystaan. Kaddib marka baasabooradooda loo diro Muqdisho si loogu soo cusboonaysiiyo. Arrintan ayaa la kowsatay kaddib markii ninka Janaral Gaafow la yidhaa uu qabsaday xafiiska Baasaboorada Muqdisho, ee uu Safaaradaha dibadda ku khasbay in Baasaboorada lagu jadiidiyo Muqdisho.
Janaral Gaafow ayaa u awood sheegtay shaqadii ay Safaaraduhu u qabanayeen shacabka qurba joogga ah, waxana uu ka hawshan baasaboor Jadiidinta ah ka sameeyaan lacag xad dhaaf ah, oo la sheegay in uu inta badan jeebkiisa ku shubto. Halka ay shaqaale badan iyo dadk badani ay ku waayaan shaqadooda iyo sharcigooda.
Haddaba dad badan oo la soo xidhiidhay shabakadda awdalprss.com ayaa u sheegay in cusboonaysiinta baasaboorradu ay dhib badan ku hayaan dadka ka shaqaysta amma degaanshaha ku haysta dalalka dibadda gaar ahaan waddammada Khaliijka, sida Saudi Arabia, Kuwait, UAE, Oman, Qadar, Bahrayn iyo meelo kale.
Madaxweynaha Somaliya iyo Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa iyana gooro badan la wargaliyey dhibtan ay dadka dibaddu kala kulmaan baasaboorrada, laakiin illaa immiga wax tallaabo ah oo ay ka qaadday ma jirto. Balse waxa ay maanta ka hadleen Baasaboorka Dublamaasiga oo dad badan oo aan xaq u lahayni ay qaateen, lagana soo celin doono.
Warka cusub ee Baasaboorada Dublamaasiga ku saabsan ee uu wasiirka arrimaha dibadda Somalia Dr. Beyle ka haldayna halkan hoose ka akhriso.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qaadayso tallaabooyin ay ku xadidayso qaadashada baasaboorka dublamaasiga, isla markaana dib looga soo celin doono dadka ay sheegtay inay si qaldan ku qaateen.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in baasaboorka dublamaasiga uu qaato qofkii dowladda ka tirsan ama oo siyaasi ah, balse aanu qaadan karin qof aan dowladda ka tirsanayn oo shacab ah.
“Baasaboorkan waa mid loogu talogalay inay qaataan siyaasiyiinta dowladda ku jira, balse ma ahan in qof walba uu iska qaato. Waxaadna arkaysaa in qof walba uu iska qaato,” ayuu hadalkiisa ku daray C/raxmaan Ducaale Bayle.
Sidoo kale, Bayle asyaa sheegay in baasaboorkan qaadashadiisu ay tahay in sharci loo maro, isagoo ku goodiyay inuu arrintan horgeyn doono golaha wasiirrada si wax looga qabto arrintan.
“Qof walba ayaa iska sita baasaboorka, waxaana naga go’an inaan ka hortagno in cid walba ay iska qaadato, kuwii horay loo siiyayna waa laga soo celin doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Arrintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay xukuumaddu kaga hortagayso sidii aan la isaga qaadan lahayn baasaboorka, iyadoo baasaboorkan uu ka mid yahay qaybaha uu u kala baxo E-Passport-ka Soomaaliya.