Awdalpress – London – Wasaarada Arrimaha gudaha dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysey waxa ay biloowday olole iyo wacyi gelin balaadhan oo lagaga soo horjeedo islamarkaana lagula dagaallamayo gudniinka fircooniga ah. Ama gabdhaha yar yar ee aan odhan jirray waa la xalaalaynayaa. Iyada oo xubinta jidhkooda ee tartanka loo geysanayo dhaawac laxaad leh. Isla markaana la awdayo amma la qodbayo marinka kaadi mareenka.
Markii ugu horeysay ayaa dalka Ingiriiska waxaa la sheegay inay wasaarada Arrimaha gudaha ee dalkaasi ay biloowday olole baaxad weyn, oo lagaga soo horjeedo gudniinka Fircooniga ah in lagu sameeyo gabdhaha, Ololahaan iyo wacyi galintaan oo dadka Soomaaliyeed loogu sharraxayey dhibaatooyinka uu leeyahay gudniinka fircoonig, ayaa waxaa halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas Ingiriiska Norman Baker oo ka hadlay dhibatada uu gudniinka fircoonigu uu u leeyahay gabdhaha. Isaga oo sidoo kale sheegay in dhawaantaan lagu arki doono boodhadh iyo tabeelayaal dadka loogu soo bandhigayo dhibaatada uu gudniinka fircoonigu leeyahay. Boodhadhkaas oo lagu dhajin doono xaafadaha ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed iyo waddammada kale oo ay ka mid yihiin Nigeria iyo Kenya kuwaas oo uu ka jiro wali gudniinka fircooniga.
Awdalpess.com