Awdalpress(Hargaysa) 02 Jun, 13–Tartankii lixaad ee cayaaraha gobollada maamulka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay goroonka cayaaraha ee magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo furay tartanka ayaa sheegay in ay cayaaruhu ahmiyad u leeyihiin bulshada, isagoo u soo jeediyay gobollada inay la yimaadaan cayaar-wanaag.
Tartanka oo ay ka qaybgalayaan 13 koox ayaa cayaarta koowaad ee lagu furay waxay labo gool iyo gool guusha ku raacday Maroodi-jeex oo la kulmay Saraar.
RBK





