Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

XAFLADII SOO DHAWEYENTA WAFDIGII SOMALILAND EE UU HOGAAMINAYEY XILDHIBAAN AHMED YASIN .SH.CALI AYAANLE IYO KA SOO QEYBGALKII MARKII UGU HOREYSAY QAAR KA MID AH XUBNAHA IYO TAAGEERAYAASHA MAAMULKA AWDALSTAT.EE LONDON.(u.k)

$
0
0

articleSidaan qoraalayadii hore ku sheegnay,Xildhibaan Ahmed Yasin waxa uu hormuud ka ahaa wakiiladii reer Awdal ee sida fiican xubnaha sare ee maamulka awdalstate ugu soo dhaweeyey Somaliland, ka dib markii uu maamulka Awdalstate wada hadalo la galey dawlada Somaliland Bishii Dec 2013.

 

Xildhibaan Ahmed iyo wafdigiisa Sharmaarke ka mid yahay, waxa ay nasiib u heleen ku soo dhawynta xafladan London oo markii ugu horeysay muddo dheer ka dib,maamulka iyo taageerayaashii reer awdalstate ay si weyn uga soo qeybgaleen, sidii looga daawaday televishanada iyo shaashadaha.

 

Waxa jiray madax badan oo reer awdal ah oo 18ka May sanad walba u iman jiray dalkan Ingiriiska, laakiin aan soo dhaweyn badan ka heli jirin bulshada reer awdal, waayo dadka badankoodu waxa ay markii hore taageersanaayeen Awdalstate.oon badanaaba ka dhexmuuqan jirin kulanada wufuuda ka timaada Somaliland. Laakiin xafladii sanadkan oo ahayd mid aad uga duwan kuwii hore ka dib (1) markii taageerayaasha maamulka awdalstate intooda badani fikirkoodii isbedalay, taasina ay keentay in xaflada aad loo soo camiro. iyo (2) xildhibaanka iyo wafdigiisu Sharmaarke ka mid yahay oo ah dhalinyaro ilaahay hibo u siiyey xaga hadalka, codkarnimo, miisaan siyaasadeedna ku leh guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaana bulshada reer awdal.

Hadaladii  iyo qudbadihii ay madasha ka soo jeediyeen oo xaqiiqda taabanayey ayaa ahaa kuwo dadka dareenkooda aad u soo jiitay.

 

Waxa xusid mudan hambalyadii iyo salaantii uu xildhibaanku u soo gudbiyey madaxdii iyo taageerayaashoodii awdalstae ee dhawaan wadahadalada la galay dawlada Somaliland. Xildhibaanka oo hambalyada ka dib sheegay sida uu ugu faraxsanaa go’aankii dhaxalgalka ahaa ee maamulka awdalstate ay ku yimaadeen Somaliland dhulkiina soo arkay,gaar ahaana gobolkii awdal una kuur galay, xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba ee dadka reer awdal, ku suganyihiin ka dibna kulano badan la yeeshay ururadii bulshada.

.

Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku ugu baaqay qurba jooga reer awdal in ay ku daydaan fikirkaa maamulka Awdalstate u qaatay oo ay wadanka yimaadaa si ay u arkaan xaaladaha nololeed ee dalkooda iyo dadkooda ku suganyihiin, sida looga daawaday wareysiyadii xildhibaanka ee ka baxay, telefishanada iyo websaadyada Soomaalida. Gunaanadkiina, waxa dadkii madasha xaflada ka soo qeybgaley oo dhami halkaa ka muujiyeen sida hagarl’aanta ah ay u taageersanyihiin xildhibaanka iyo wafdigiisa ee uu Sharmaarke ka mid yahay..

 

Dhanka kale kulan gaaban oo xildhibaanku la yeeshay maamulka iyo qaar ka mid ah taageerayaasha awdalstate ee London (U.K) ayaa ku dhamaaday guul iyo isafgarad. Qodobada lagu soo qaadayna waxa ka mid ahaa:

 

  1. In si wada jir ah looga wada shaqeeyo midnimada iyo wadanoolaanshaha dhamaan bulshada Somaliland, dibad iyo gudaba.Si dhaqsa ahna wax looga qabto, habka Saami-qeybsiga oo wali reer awdal meelo badan kaga dulmanyihiin.
  2. In dawlada somaliland si dhaqsa ah u bilowdo una dardar geliso wajigii 3aad ee wadahadalada taas oo u dan ah midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland.
  3. In la sameeyo xiriir joogta ah oo u dhexeeya Dawlada iyo maamulka awdalstate dibada iyo gudahaba.Iyadoo wixii awdalstate khuseeya uu xildhibaanku sheegay in isaga lagala xiriiri doono mustaqbalka insha allah.
  4. Waxa kulankaa laysla gartay in danta reer awdal ay ku jirto danta Somaliland, danta Somalilandna ay ku jirto danta reer Awdal.

 

 

Xildhibaanku dhankiisa waxa uu balanqaaday in uu si weyn uga hawl gali doono sidii dawladu u dardargelin lahayd wadahadalada wajigiisii 3aad.

 

Gabagabadii, waxa maamulka awdalstate ugu baaqayaa dhamaan taageerayaashiisa iyo jaaliyada reer Awdal meel kasta ha joogeen in qofkii raba ama danaynaya in uu ka qeybgalo ama goob jog ka noqdo wajiga 3aad ee wadahadalada dawlada Somaliland iyo maamulka awdalstate ay u furantahay, diinwaangelintuna ay si dhaqsa ah u bilaabmi doonto.

Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xiriir emailka awaleh@aol.com.

 

Wasaarada Arrimaha Dibada ee maamulka awdalstate.

Muuse Awale Faahiye

London (U.K)

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles