Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Beelaha Hawiye oo ka biyo diiday eedaha looga soo jeediyey dagaalka qadhaadh ee ay la galeen beesha Biyo-Maal

$
0
0

American-Civil-War_2614797bUgu horreyn waxa maalintii shalay ahayd markii uu oday Xaadow ka hadlay dagaalka sokeeye ee u dhexeeya Habar Gidir iyo Biyo-maal ee ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe. Laakiin waxa uu u hadlay si haboogan oo uu meelo kale farta ku fiiqayo. Maanta oo ugu dambayseyna waxa shabakadaha la soo geliyey warkan muuqaalka ah ee uu kaga hadlayo taariikhda degaan xeebeedka Marka iyo inta ku xereeran sida taladeedu ahayd iyo beelaha u soo talin jiray qarniyadii ugu dambeysey.

Wararkaa oo qoraal iyo muuqaal ah halkan hoose kala soco:

Waxa uu tilmaamay Nabadoon Xaad in Gobolka Sh/Hoose lawada dagan yahay ayna jirin cid kali u leh Gobolkaasi, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in si waaaltinimo ah lagu wada noolaado lagana tanaasulo dagaal wax ku raadinta

‘ Asalka dagaalka ayaan naqaan mid meesha ka dhashay maahan , waxaa lagu keenay diyaarado ,waxaa laga keenay gobolo fog fog ,dano dadka meesha jooga kuwa aan aheyn ayaa meesha yaala,dadkaas waan ognahay meesha ay ka yimaadeen iyo waxa ay rabaan , waxaana ugu baaqeynaa in arimhaasi faraha kala baxaan , waxaana u sheegaya dadka Gobolka Dagan in ay ka feejignaadaan fidnada loo soo raray’ ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in dadka hurinaya colaada Gobolka Sh/Hoose hadii ay ka waantoobi waayaan falalkaasi in ay tooshka ku ifin doonaan ayna soo bandhigi doonaan waxa ay yihiin iyo waliba ujeedkooda.

Nabadoon Xaad ayaa mar kale ugu baaqay dadka wada dega Gobolka Sh/Hose in nabad iyo isixtiraam kuwada noolaadaan , ayna meel iska dhigaan Colaada meelo fog looga soo raray.

Hadalka Nabadoon Xaad ayaa imaanaya xili Maalmihii lasoo dhaafay dagaalo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ay ka dhaceen Gobolka Sh/Hoose, waxaana dagaaladaasi la sheegay in ay hurinayaan dad siyaasado kale ku shaqeenaya.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles