Awdalpress – Marka – Gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow oo lagu eedeenayay in uu ku lug lahaa dagaalada soo noq noqday ee ka dhacayay Magaalada Marka iyo deegaano kale oo hoostaga ayaa shaaca ka qaaday in uu xilkaasi iska casilayo hadii uu xalka ku jiro.
Yariisow ayaa sheegay in dagaalka ku soo laab laabtay Magaalada Marka iyo deegaannada hoostaga uu salka ku hayo sida uu tilmaamay habka maamulka Degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee Gobolka Sh/Hoose.
Gudoomiyaha Marka ayaa xusay in ay muhiim tahay in sharciga la raaco oo Masuulka guddoomiyaha ka ah loo madaxbanaaneeyo Degmada uu maamulo deegaanada iyo tuulooyinka hoos taga in uu xukumo oo maamulkiisu ka shaqeeyo.
‘’ Xilka aan hayo ee Gudoomiyaha marka waan katagayaa hadii uu xalka Gobolka Sh/Hoose ku jiro , waxaan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo qof kasta oo loo soo magacaabo xilkaasi xitaa hadii ay noqaan beesha aan iska soo horjeedno’’ ayuu yiri Yariisow.
Hadalka Yraiisow ayaa imaanaya xili Magaalada Marka gacan ku heenteeda la wareegeen beel kamid ah dhinacyadii ku dagaalamay , Dowlada Soomaaliya ayaana ku gudo jirta dadaallo lagu xalinayo dagaalka kusoo noq noqday Gobolka Sh/Hoose.
Awdalpress