Nin Somaliyeed oo aan magaalo wada deggennahay, kana mid ah dadka jaadka cuna laakiin haddana aan ka mid ahayn kuwa uu dishooday, ayaan weydiiyey su’aasha ah; Muusow walaal waatan Qaadkii amma Jaadkii la joonayo’e, maxaa idiin talo ah dadkiinnii Qaadka cuni jiray? Inta uu qoslay, ee uu yara jees jeestay, ayuu halkii aan ka sugayey in uu sheeko dheer ii galo amma uu aniga I weydiiiyo maxay kula tahay, ayuu si fudud iigu jawaabay, oo yidhi,’ Idinka ayay su’aashaa jawaabteedu idiin taallaa.’ Inta aan aammusay ee aan jawaabtii ka yara fekeray, ayaan ku celiyey, oo siday noogu taallaa. ( akhristow in aanan jawaabta sheekada u gelin, bal maxaad u malayn lahayd jawaabta hadalkaa uu Muuse yidhi).
Hadalka Muuse waxa uu xambaarsan yahay xikmad aad u qoto dheer, oo marka aan kuu iftiiminno aad qosli doontid. Laakiin waxa laga yaabaa in aad immiga aagag kale ka doon doonayso jawaabta su’aashaasi. Inta aan ninkii u wada dhaqaaqnay meel shaaha aan ka cabno ee aan fadhi la yeeshay, ayaan si fiican mar kale uga sheekaysiiyey, annaga oo sheekada ka bilaabayna jawaabta su’aashii. Waxanay sheekadii nala sii xushay noocyada dadka jaadka cuna iyo arrimaha la xidhiidha.
Hummaagyada muqayiliinta mar uu gacan toglaynayey ayaan aad ula yaabay. Hadda muqayiliinta uu ka sheekaynayaa maaha kuwa dalkii ee sheekadu waxa ay ku kooban tahay uun kuwa Ingiriiska amma dadka Qaadya-cunka ah ee fadhiista majlisyada dalka Ingiriiska, hadday ahaan lahayd majlisyada London, Birmingham, Shaffield, Bristol, Cardiff , Luton, M/Keynis iyo meelo badan oo kale. Dhibaatada qaadka iyo raadka uu yeelahay qoyska amma mujtamca ayaan aad u guda gallay.
Inta aanan haddaba sheekadan oo musalsal noqon doonta u guda gelin aan akhristow kuu soo qaddimo jawaabta gaaban ee uu Muuse ka bixiyey su’aashii aan weydiiyey iyo sida uu u sharraxay. Laba usbuuc in ka yar waxa ku aaddan maalinta dalkan Ingiriiska laga mamnuucay Qaadta, taariikhda la joojinayaana waxa ay ku beegan tahay 24/06/2014, wixii ka dambeeyana ninkii amma haweenaydii Qaadka cuntaa waxa loo tixgelinayaa danbiile haddii lagu qabtona xabsi ayuu qofka cunaa mutaysanayaa.
Muuse wuxu yidhi,’ Ciidan muddo dagaal ku jiray, oo dhimasho iyo dhaawac badani soo gaadhay, oo sannaddo duur gal ahaa, hawsha ay u taagan yihiinna ay ahayd uun dagaal uu wax dilo amma la dilo. Haddii uu dagaalkii ka joogsado, maxay yeelayaan? sow noloshii caadiga ahayd in ay ku soo noqdaan maaha, muddo intee le’eg ayey kula qabsanayaan noloshii caadiga ahayd? Dhaawicii kala darraa, iyo dadkii dhibtu ka soo gaadhay dagaalladaasi ay muddada dheer ku jireen, intay kaga bogsanayaan, ma iyaga uun baa xallili kara, sow in dadka ay ku soo noqdeen xil kama saarra….sidaasi daraaddeed, dadka jaadka cuni jiray waxa ay la mid yihiin ciidankaa dagaalka dheer ku soo jiray ee dagaalkii ka dhammaaday, cidda laga rabo in ay caawiyaan ciidankaa dhaawiciisu badan yahay waa idinka. Sidaasi ayaan Ahmedweliyow walaal kuu leehay idinka ayey idiin taallaa.
Sheekada xiisaheeda qaybaha dambe la soco
Ahmedweli Goth