Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qudbaddii Gadabuursi ee Qarniga, ee Xildhibaan Ahmed Yaasin Sh Ali Ayaanle

$
0
0

Maqaal-Qiimo-BadanWaxaan in badan sugeyney dad halyeynimo ku sifoobey, aragti dheer huwan, aqoon balaadhan wata, qalbi fiican leh oo isa soo hortaaga dadkiisa. Hadalkii uu jeediyey Ahmed Yasiin wuu na taabtey, waxaan Eebe ka beryeynaa in la xafido, dokumentation loo sameeyo, jaamacadaha, iyo dugsiyadda lala qeybsado, la dhigo leybreeriga. Qubbadii qarniga waxay u noqotey wuxuu halyeygaasi la yimi siyaasad ku fadhida xaqaa’iqa (evidence-based policy). Waxay u noqotey wuxuu ka jawaabey su’aashii weyneyd ee hortaaleey tolka oo ahayd Waar maxaad rabtaa? Meesheed u socotaa? Waxay u noqotey tii qarniga wuxuu halyeygaasi ku hadaaqey in reerku yahay mid caqli iyo cisiba lagu maneystey, waxay u noqotey in reerku qabo duco soo jireen ah, ugu dambeyntii waxay u noqotey in uu reerku ku sifoobey samirkii nabi Ayuub (ERN) maadama muddo dheer lasoo dulmayey, iska daaye, qaska nin kale geystey ay u noqondeen mid ay ku haligmaan (victimized by ill-fated aggression), wuxuu xusey masaa’ibtii ku hafsatey carruurtii iyo ubaxii Borama 1984 kii, ee loo soo direy mid indho la’ iyo mid aan dhego qabin.

Hadeynaan is qadarin oo aaynan is qiimeyn, Eebe inoo gargaari maayo. Wuxuu inaga mudan yahay Ahmed in aan wax yar u celino (feedback). Hadal ama qudbadaadii ama wargelintaadii waxy ahayd mid loo bogey, waxaa tahay nin aqoon ballaaadhan wata oo aan daaqada kaga soo boodin siyaasadda, waxa tahay nin aan ugu yeedhi karno inta teytal title ee la qadariyo. Haddi uu jiro Professor, iyo haddi aan nidhaa Doctor waxaad tahay social Doctor . Waxa tahay nin si qeexan u dareen geliya in badan oo laydh kale u baxayey, waxa tahay nin reereed ka sareeya meel hoose, waxa tahay nin looga seexdo hawshii loo dhiibey, waxa tahay nin la xisaabtanka yaqaan oo ku sifooyabey “an answerable person to his people”. Markaad tidhi cid wax inaga qaadi kartaa ma jiro, waxay xoojineysaa ama hoosta ka xariiqeysaa “Hogaan wacannimadaada mustaqbal” oo waxaad u qalantaa in ummadda (SL) dhan aad hogaamisid.

Isku soo wada duub, waxaan kala soconey hadalkaagii dhowr shabakadood ama stayshan. Waxa si fiican u soo bandhigey Kalsan TV oo aan aad ugu mahad celineyno. Waxaan kugula riyooneynaa in la helo jid wacan oo laami ah iskuna xidha, adal waa seylac eh iyo Borama. Inta yar ee u dhaxeysa Borama iyo Awbarana, dadka ayaa ku darsan. Waxan kuugu dhufaneynaa shaabada (endorsement) in aan xoolaheyga ka dhoofiyo, kalana soo dego Lughaya, waxaan kula arkeynaa in baahidu ay badan tahay (massive) oo aan Rome lagu dhisin hal habeen oo kaliya, hase yeeshee tirisaad ay u baahantahy (perserverance).  Laba maataano oo wada dhashey ayaa kala aragti noqda, arinkuse wuxuu taaganyahay marba marka ay midnimadeydu ka sii xoogantahay ayey himilooyinkeyna fuli karaan.

Waxaan cidina dafirikarin in qudbadii qarniga la soo jeediyey, laguna raaxeystey. Ma garan karno in ay ahayd dareen kicin (sensitizing tool) iyo in ay keliya ka jawaabeysay kuwii qabey su’aashii ahayd “Hatuu Burhaanukum”. Cidda daneyneysa danta guud ee reerka, cidda arkeysa humaaga runta ah, cidda maqleysa dhawaqa dhabta ah, cidda urineysa, carafka ama raaixadda socota, iyo cidda dareemeysa cimiladda jirta bii’adda waxaan ugu bogaadineynaa wiilkiinaas qaayaha weyn leh ee inoo jeediyey qubadaddii qarniga ee qeexeysa jidka loo socdo (strategic direction).

Ahmedow hadal badan haan ma buuxsho, halkaas ka sii wad inoogu diyaari isku imaatin borama ah oo aan ku sii fasirno si ay ugu fududaato cid walba unna soo saarno aalad wacan (user-friendly) oo loo adeesado hanashada himilooyinka aynu ku wada hamiyeynu iyo wax kasta oo ay heybineyno ama haabaneyno. Hirar dhadheer baad nagala hadashey ee waxaan Eebe ka bariney in loo bato hal argti oo ah mid la iska ogyahay. hagoog xumi maxaa ku idhaa—adaan kuu dhaafey!!

Nabadeey
AA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images