Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sheeko xariirtii Qaadka: Qaadkii waatan Ingiriiska laga mamnuucayee maxaa idiin talo ah kooxdiinnii cuni jirtay? Idinka ayey hawshaasi idiin taallaa.

$
0
0

JaadMuuse, hee walaal,  si fiican ayaad noogu kala dhigtay kooxaha qaadka ku cuna dalkan Ingiriiska, kolley dalkii iyo meelo kale oo Qaadka aad loogu cunanaba waxan filayaa in ay qaybahaasi uun soo kala gelayaan. Inkasta oo aanad kooxaha iibiya weli iigu darin. Balse aan fahmi karo in ay qayb uun ka noqonayaan kooxaha aad soo sheegtay.

Bal haddaba inta aynaan Muusow u gelin mawjadaha muqayiliinta. Maxaad is leedahay Jaadka ama Qaadka waad ku sifayn lahayd?

Ahmedweliyow nin cunay iyo nin aan cuninba waa laguu yaqaannaa Jaadku dhib iyo dheefba midka uu leeyahay. Nin badsadayna maba mahadiyo. Waxanan odhan karaa waa daroogo la caadaysto ta ugu xun ee dad cunaan ( welliba sida dhulkan qurbaha loogu isticmaalo). Waayo, daroogooyinka aan aragnay ee dhulkan lagu isticmaalo oo dhan waa laga seexdaa. Cuntadana kuuma diidaan. Laakiin Jaaka lagama seexdo, cutadana wuu kuu diidayaa. Madax xanuun iyo calool xanuunna wuu leeyahay. Oo dad baa mar kasta oo ay caloosha ka buuxiyaan ku mataga oo ku xanuunsada. Muddooyinkan danbena beeraha uu ka baxo waxaba la sheegay in lagu buufiyo sun korisa caleenta ama cayayaanka ka laysa oo caafimaadka noolaha u daran. Dadkayaga Qaadka cunaana annaga oo taasi og haddana waan cunnaa oo xataa iskama maydhno.

Sheekada aan kaa dilee ( waa aniga )….. Immiga waxa mamnuuciddii ka hadhay usbuuc wax ka yar. Ciidankii dhaawaca ahaa in badanina dadkayagan aan cuni jirin ayey ku soo biiri doonaan, oo makhaayaddan aan wakhtiyada firaaqada aan fadhiisanno ayey inna soo dhinac fadhiisan doonaan. Waad ogtahayoo mar mar sidii markii dhaweyd ayaa lagu kaftamaa, ciidankaasina dad badani aqoon uma laha. Gaar ahaan wadaaddadu waxa ay ku odhan doonaan, ‘ Mar haddii Ilaahay meeshii ba’asayd idinka keenay kaalaya Masaajidka aan ku wada cibaadaysannee. Kuwa kalena waxa ay la boobi doonaan su’aalo wiirsi ah, su’alahaasi oo ay ka mid yihiin, ‘ immiga dee maxaad cuni doontaan? Geedaha kale uun iska cuna? iyo qosol. Markaa ma is leedahay, inta hore haba la kala yara xanaaqee waxa ay saaxiibbadaa yimaaddeen meel ay caajiska isaga bi’iyaan. Mise waxa aad is leedahay Caffè ga culus ee ay dhiigga ku diirinayaanba ka degi maayo?

Horta Ahmedow ma kuwa dhaawaca culus qaba mise kuwa sidayda ah ama dhaawacoodu sahaalaha yahay? Illayn ciidankii isku wadaa mid maahee, oo qaar baa madaafiicii dhaga tiray, qaar baa uu luga tiray, qaar baa maskaxdii kala qalan tahay ama isku dhex daadatay. (Waxan Muuse ku weydiiyey Midba? )   Kuwa darani weli dhufayskii ayey dadka kaga sii jirayaan. Oo lafihii hadhaaga jaadka iyo caleemaha ganacsatada Jaadku inta ay qallajiyeen ay ugu tala galeen in ay macaash badan ka helaan, ayey suuq madaw ka raadinayaan. Kooxda innoo imanaysaa waa kuwa sahaalaha ah. Ee awalba Koobka coffee-ga innagu garab cabbi jirtay. Sheekadana la dul tagi jiray aqaaraha Jaadka ah iyo Mijiliska.

La soco qaybaha hadhay

Ahmedweli Goth

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images