Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Go’aanka afarta Ganacsade iyo damacii Muse biixi ee musharaxa Madaxweynenimo xisbiga Kulmiye .

$
0
0
Maqaal-Qiimo-BadanAfartan Ganacsade ee ka soo wada jeeda Jabouti iyo S/land, waxa maanta ay soo saareen Go’aan sida hoos ku qoran u dhigan oo sheegaya in Muse Biixi ka tanasulay sheegashadii musharaxnimada jagada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye doorashada soo socota.
Ganacasatadan ayaa sida ay ku sheegeen qoraal ay shaaciyeen  Muuse Biixi ku qanciyey inuu ka tanaasulo hankiisii musharaxa madaxweynenimo ee kulmiye dhexdiisa,  oo khilaaf iyo muran qaraweyni ka istaadhmay  wakhti dhaweyd, una tanaasulo  madaxweyne  siilanyo si uu u noqdo musharaxa Kulmiye.
“Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse oo kala ah:Maxamed Aw Siciid Geeddi.
Jaamac Oomar.
Rashiid Ibraahim Ciise.
Maxamed Xuseen Axmed.
 Waxa  Muse Biixi  ku dhawaaqay inuu u taagan yahay jagada musharaxa madaxweynaha xisbiga maalmo ka dib markii loogu doortay shirweynihii guud ee Xisbiga  inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ,waxa  arinkaasi noqday mid  lama filanwaa ku  ah cidkasta oo siyaasadda S/Land la socotay. Waxa dadka  badidooda  ay ugu muuqatay  arrin qardo jeex ah oo haba yaratee aan waafaqsanayn siyaasadda xisbiga Kulmiye maddaama madaxweynihii uu weli rabo inuu shan sano oo kale isa soo sharaxo.Kaaga darane muse biixi marki uu go,aankan ku dhawaaqayey weli ma magacabin golihii dhexe iyo gudigii fulinta ee musharaxa u codanayeey oo wuu ku degdegay iyadoo aan waxba gacanta ugu jirin aan ahaayn Gudoomiyaha xisbiga ee loo magacaabay.
Arintasi Degdega ahi waxay fursad siisay in Madaxweynuhu u soo magacaabo golihii dhexe iyo gudigii fulinta oo ah kuwa musharaxa soo dooranaya ,waxana liisaski golaha dhexe iyo fulintaba   ay xukumaddu u gudbisay guddiga doorasha ee qaranka S/Land oo isna ansixiyey.Waxa uu hadana Muse biixi isna magacaabay gole dhexe iyo gudiga fulinta oo ahayd arintii seegtay markii hore inti aanu ku dhawaaqin go,aankaa musharaxnimada.Waxa garabkii muse biixii iyo tagerayashiisu ay ku doodayeen in golaha dhexe uu gudoomiyuhu xaq u leeyahay inuu isagu magacaabo oo hawshiisii la maroorsaday.
Muran badan oo dhowr maalmood socday ka dib waxa arintii soo fara galisay Golaha guurtida oo ka codsaday labada dhinacba inay arinka dhex galan go,aana ka soo saran ay labada dhinacba u hogaansaman go,aankaas.Arinkaasna labadi dhinacba way aqbaleen in go,aanka guurtida ka soo baxa siduu yahay loo qaato.Go,aankii Guurtida.
Go,aankii guurtidu waxa uu ku soo ururay saddex qodob oo qodobka ugu muhiimsani yahay
1- in golihii dhexe iyo gudigii fulinta ee xukumaduu magacawaday inu yahay ka sharciga ee xisbigu ku dhaqmi doono.Golihii dhexe ee Muse Biixi magacaabay waxba lagama soo qaadin waxana loo arkay in aanu  sharci ku fadhiyin.

markii go,aankaas ay guurtidu ku dhawaaqday sidii balanyu ahayd labadii dhinacba way qaateen wanay aqbaleen.
Go,aankasi waxa uu guul u noqday xukumadii ,,waxana uu guuldaro u noqday garabkii Muse Biixi oo Afkalaqaad uu noqday.

Halkaasna waxa ku soo afjarmay arinkii muranku ka taagnaa oo ah tartanka musharax xisbiga.Golaha dhexe ee xisbiga ee la sharciyeeyey  waa golihii Tageersana madaxweynaha oo dhamantood u codaynaya Madaxweynaha. Muse Bixi iyo Cid kastoo oo tartan la gashana oo musharax usoo istaagtaa   hal cod kama helayaan tartankaasi.
Sidaa awgeed arinkii musharaxnimada ee Muse biixi waxa uu ku dhamaday go,aankaasi guurtida.
Erayga tanaasul ee ay kooxda ganacsatada ahi ay adeegsadeen manta  wa uun afgobaadsi aan meesha qaban.

Arinka Tanaasulku sdeedaba waxa uu haboonyahay  inta Gar aanad dhigan ee gudigu go,aan kugu fulin ,marse haduu go,aan dhaco oo Gartii la naqay ,,go,aankii ayaad qaadatay .

kooxdan Ganacsatada ah iyo Muse biixi hadii ay tanasulaan intii muranku socday ee aanay golaha guurtidu galin arinka galin ee aanay go,ankaas soo saarin ,dabcan waxay ahaan lahaayeen rag TANAASULAY oo arinkoodii gar iyo gardaraba maalin kale u dhigtay oo wax xeeriyey .Waxanay mudnaan lahaayeen milgaha uu leeyahay isku tanaasulku.

Dad badan oo S/Land ahi waxay aminsanyihiin in Ganactadan afarta ahi ay marka horeba Muse biixi ay galiyeen damacan kuna tageersanayeen arin iyo aduunba.Waxaana taas kuu cadaynaya go,aanka manta ay soo saareen ee odhanaya hadanu nahay ganacsatada  Afarta ah ee Sacad Muse waxanu muse ku qancinay inu ka tanmaasulo damacii musharaxnimda.

hadii damacu  musharaxnimadu Muse ay ka timd kaadirka xisbiga kulmiye ,,,waxa go,aankan soo saari lahaa kaadirkii garabka xisbiga kulmiye oo gaadhay go,aanadaas oo Muse ku qanciyey inu ka hadho Musharaxa xisbiga ayaan maqli lahayn.
Lakiin arinkii maaha xisbi ee waa  qabiil iyo afar nin oo ganacsato ah danahooda ka fushada labada wadan ee S/Land iyo jabouti.Intii arinkaas socday dad badan oo shacbi ah  oo waayeel ah ayaa la galiyey xamaasad qabiil oo si walba loo adeegsaday oo ku magac iyo maamuusba belay.Sidoo kale in badan oo dhalinyaro iyo haween ah oo Hargaysa ku nool ayaa jiif iyo joogba diiday oo loo sheegay in duli iyo dulmi lagu hayo oo ay ka dagaalamaan.

Kooxdan ganacsatada ee siyasadii S/Land ee xisbiyada ku dhisnayd u bedelay mid qabiil ,,,waxa horena qar ka mid ah ganacsatadan  loogu tuhunsanaa inay sidoo kale lug ku lahaayeen dhibaatooyin iskugu jira  ,dil,dhiig  iyo dhagaro ka dhacay galbeed S/Land oo ay ugu dambeeyeen murankii daba dheeraaday  ee  mayorka doorashada Saylac iyo  mashaqadii  ceelberdaale.

Mohamed dhiirane

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images