Xalay ayey ahayd markii aan TVga qaranka Somaliland ka daawaday, iyada oo uu weriyuhu leeyahay Maalqabeenno ka tirsan beesha Sacad Muuse ayaa xalkii Kulmiye gaadhay, Muuse Biixina ka oggolaaday in uu musharraxnimda Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa uga tanaasulay.
Waxan ogeyn in xaraaradda xisbiga Kulmiye ay muddaba meel xun maraysey. Oo ay gaadhay in dumarkii iyo dhallin yaradii amma siyaasiyiin kaleba afka furteen. Isla markaana la isku qabiil sheegtay. Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo loo kala safnaana muddadaasi may ahayn kuwo is arki karaya, waxana dhexdooda mulacyeynayey farriimo sii kala fogeynayey. Xataa kulankii ay guurtidu ku dhex dhexaadisay ayaanay dhinaca Muuse taageersani ku qanacsanayn, waxanay u arkayeen in Muuse laga eexday. Haddaba xaaladda halkaa maraysay ee is xiniinya taabadka gaadhay, maxaa Muuse ku kallifay in uu wakhtigan ka tanaasulo damiciisii siyaasadeed ee uu sida cad u sheegay, ee uu u jabiyey taageerayaashiisii dumar iyo ragba lahaa ee afka furtay, iyaguna miyey tanaasulayaan.
Marka aad cajaladdaasi daawato maxaa kaaga baxaya? Ma is leedahay Muuse oo tanaasulaa daawo ayuu u noqon doonaa, heerka taageerayaashiisii gaadhsiiyey in ay wax walba ku hadlaan?
Muuse Biixi waxa uu helay furasad fiican oo uu dadkiisii ku kasbaday, laakiin nasiib darro haddana wuu jabiyey, taasi dad badan ayaa u arka fudayd, dad badan ayaa danaysi u arka, laakiin waxa aan shaki ku jirin in laga badiyey. Tanaasulka uu sameeyeyna maaha mid isaga ka soo go’ay ee waa shax loo degay, meel uu ka maraana uu waayey. Waxanu arkhristay waaqaca jira ee uu ku guuldarraysan karo, oo ay ka mid tahay:
1. Gohihii Xisbiga Kulmiye ee soo dooran lahaa Musharraxa Madaxweynaha xisbiga oo lagala hoos baxay.
2. Garabkii uu la tartamayey oo ka xeelad iyo siyaasad badiyey
3. Garabkiisii oo ceeb iyo fadeexad u soo jiiday Somaliland. Kaddib markii ay qabiil u iisheen.
Ragga maal-qabeennada ah ee food-saarka ( exit ) looga dhigay in uu Muuse ka yeelay Tanaasulka, waa uun dillaaliin dantooda fushanaya, Muusena u saxeexaya waxa loo yaqaan GENTLEMA’S AGREEMENT iyo GOOD HAND SHAKE, Somaliland nidaamkeedana ceeb iyo sharaf dhac ayey ku tahay in 23 sano kaddib, la yidhaa murankii xisbiga Qaran dhexdiisa beel ahaan ayaa loo xallilay.
Xalay ayey ahayd markii aan TVga qaranka Somaliland ka daawaday, iyada oo uu weriyuhu leeyahay Maalqabeenno ka tirsan beesha Sacad Muuse ayaa xalkii Kulmiye gaadhay, Muuse Biixina ka oggolaaday in uu musharraxnimda Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa uga tanaasulay.
Laba casho horteedna waxa shir qaran ay madaxda xisbiyada Somaliland iyo golayaasha dawladdu u guuseen in ay cambaareeyaan shir beeleekii Dhulbahante, oo ay hadalka u dhigeen, beelo iyo qabiil waan ka gudubnay, waxanan nahay qaran xuduudaha dalkiisa la yaqaan. Taasi oo immiga u muuqata kaa adki, oo aniga mooyaane adigu qabiil uma shiri kartid.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waa nin kar kar ah oo aan doqon ahayn, waxase uu caan ku yahay hadal qallafsan iyo waxa calooshiisa ku jira oo aanu qarin. Taasi oo siyaasinimadiisa hoos u dhigtay. Anigu uma arko ninka ugu qabiilisan dadka siyaasadda Somaliland muddada ku soo jiray. Balse waa sida aan sheegaye waanu qarsan. Xataa hadallada ku xun ammaanka mandiqadda ee la sheegay in uu xanaaq ka keenay ayaa kuu caddaynaysa in aanu lahayn caloolo siyaasi.
Maalintaasi waa bilowgii sagaashanaadkii oo beesha Habar Awal ay u hanjabeysey Garxajis, dagaal ba’anna lagu qaaday beelaha Garxajis illaa iyo intii ay ka oggolaanayeen heshiiskii Borama ka dhacay, ee lixda bilood loo fadhiyey. Waana dagaalkii sokeeye ee loo bixiyey marya-alool. Muuse maalintaa waxa uu lahaa waan wada maqlaynay. Haddii uu ku khaldanaa iyo haddii uu sax ku ahaaba maanta xisaabta way ugu jirtaa.
Immiga Muuse waa weynaaday, siyaasadiina waa uu ka midho dhaliyey, hadalkiisii waa ka toosan yahay kii shalay, laakiin weli ad adaygii wuu ka muuqdaa. Waxase la soo gaadhay wakhtigii uu siyaasadda dhinac uga joogsan lahaa, ee uu talada dalka uu mus danbeedka fadhiisanayey.
La soco qaybta dambe
Ahmedweli Goth




