Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sheekadii Qaadka: Qaadkii waatan Ingiriiska laga mamnuucayee maxaa idiin talo ah? Idinka ayey idiin taallaa! ( Qaybtii saddexaad )

$
0
0

Katoono qaad ah.Sheekadii Muuse na dhex martay, waxa iiga dambeysey mid kale oo nin qaad qamax ah na dhex martay. waxanan fadhiga kore ee makhaayadda ugu tegey rag dhawar ah oo fadhiya. Sida qaalibka ah magaalada aan deggenahay oo la yidhaa Luton kuna taallada gobolka Bedfordshire, sankana ku haysa caasimadda Ingiriiska ee London.

 

Waxa aan Somalidayada magaalada wada deggeni isugu nimaadnaa makhaayad yar oo Coffee-ga iyo shaaha laga cabbo amma sandwich iyo cunto fudud laga cuno oo nin Baakistani ahi leeyahay. Inta badan ma imaaddo laakiin wakhtiyada aanan shaqaynaynin ayaan ku soo baashaalaa, oo aan kula soo sheekaystaa saaxiibbadayda Somalida ah. Markaa maanta waxan kulannay nin ka mid ah ragga qaadka aadka u cuna, oo waa halkii Muusee dhaawac aan sahlanayn qaba, balse marka dadka qaar loo eego aanay dhib badani ka muuqan.

 

 

Ahmedweli: ASC, maxaa lagu baryey maanta, oo reerihii ka warrama? ayaan raggii ku salaamay, aniga oo weliba gacanta marinaya.
Kaftankii iyo sheekadii noo caadiga ahayd ayaan woxoogaa yara wadnay. Kaddibna, ninka saaxiibkayo ah ee aammusan ee na ag fadhiya ayaan iska maagay, oo aan ka hadliyey. Su’aashii igu taagnayd ee Muuse ayaan ugu horreyn kula dul dhacay….waar xaaji maxaa idiin talo ah waatan qaadkii la mamnuucaye? Dee waanu iska noolaan sida aad idinkuba u nooshihiin, ayuu iigu jawaabay. Haddana waxan ku celiyey, oo meeshii Mijiliska idiin ahayd sow la xidhi maayo. ‘Dee …kkkkkk waar ninkan baa ugu daran, oo dee gurigayaga ayaan iska joogaynaa’ayuu iigu jawaabay.

 

Hadallo isku cel celis ah, oo dareenkooda leh markii aan muddo wadnay, ayaan hoos uga dhaadhacnay, oo aan weliba isku kaliyeysannay, waxana aan weydiiyey, waxa u qorshaysan:

 

Ninkii Qaad qamaxii: Ahmedweliyow haddii aan kuu warramo, waxa aniga ii qorshaysan in aan horta Dentist tago oo Ilkaha soo hagaajisto, caafimaadkaygana aan si fiican u baadho, kaddibna shaqo amma waxbarasho aan isku diyaariyo. Bahalkani Qaadku waxa uu ahaa daroogo runtii dad badan oo wax qabsan lahaa dullaysatay. Waanan ka raysanaynaa. Maalmaha hore dhib ha nagu ahaato, oo inta dheecaankiisii jidhka ku jiro aan rafaadno, laakiin ugu dambaynta waan ka bogsanaynaa. In la dalkan Ingiriiska laga joojiyana waan taabacsanahay. Laakiin saaxibbayaalow ha nagu wiirsannina, oo su’aalaha qaar ha nagula soo deg degina.

 

 

Qaadku muuq ahaan dadka wuu baabi’iyaa, caafimaadka Ilkahana aad ayuu ugu daran yahay, guud ahaanna caafimaadka aad ayuu ugu daran yahay. Dadka aadka u cunaa waa dad ka aragti duwan dadka kale, way dhuub dhuuban yihiin, oo tabar yar yihiin dadka. Marka aanay cunayn waa dad aad mooddo in ay xanuunsanayaan oo ay lafta ka caajisan yihiin, goorta ay qayilayaanna waa fir fircoon yihiin, oo waxad mooddaa dad nool oo aan waxba qabin. Dhinca qoyska aad ayuu ugu daran yahay, waxana uu sababaa family problem. Rag badan oo uu qaadku reerahoodii ka baabi’iyeyna waa buux.

 

 

Dalkan Ingiriiska waxa soo gala Jaad aad u badan, oo lagu qiyaasi karo kumannaan Kartoon iyo jawaan, oo kartoonkiiba ama jawaankiiba uu qaado 30 marduuf amma in ka badan. Waxa ka shaqeeya ama ka ganacsada dad aad u badan, marka uu soo galana waxa loo kala dhoofiyaa magaalooyinka dalkan Ingiriiska iyo dibadaha kale ee Yurub iyo Maraykan. Dawladda Ingiriiska waxa ka soo gala cashuur aad u badan. Laakiin markii ay immiga is bar bar dhigtay faa’iidada Jaadka iyo khasaaraha uu dalka iyo dadka u leeyahay waxa batay khasaaraha uu dalka iyo dadka u leeyahay.

 

 

 

Sheekooyinka ay BBCdu ka qortay Khat amma Jaadka hoos ka akhri, oo guji meelaha midabka blue ga ah leh.

  • UK / NEW 22 hours agoThe leafy plant khat, which acts as a stimulant when chewed, is about to become a banned class C drug in the UK. But how big a problem is it and…
  • NEW 23 hours agoA UK ban on the narcotic leaf khat comes into force next week. What do people living in the communities where khat is used think about the ban?
  • 20 June 2014People in Harlesden have reacted angrily to the impending ban on khat, as Met Police officers started to explain their new policy

    Awdalpress.com

     


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images