Awdalpress – Baki – Xaalad aad u adag oo abaareed ayaa guud ahaanba laga soo sheegayaa gobolka Awdal iyo Salal, waxana wararku sheegayaan in deegaannadii gubanku ay ugu daran yihiin, xoolihiina ay gabaabsi ku sii yihiin. Abaartan oo ay sababtay roob la’aan iyo Jiilaalka oo ku dheeraaday illaa iyo sannadkii hore. Ayaan caalamku ka war hayn. Waxana dad nala soo xidhiidhay ay farriintan gaadhsiinayaan dawladda Somaliland iyo hay’aadka khayriga ah ee dalka iyo dibadda ka hawl gala.
Dadkaa nala soo xidhiidhay oo jooga degaannada Baki iyo Dilla ayaa farriintooda noogu sheegay in haddii ay dadka degaannadaasi waayaan kaalmo caalami ah iyo mid kaleba, in ay adkaan doonto sida ay ku sii noolaan karaan dad iyo xooloba.
Degaannada abaaraha laga soo sheegayo oo ay ugu daran tahay degmada Baki, dhuxunka Baysaarre, Qardhiile, Boodhka -gelli galool iyo dooxada ceel-bardaale, ayaa laga dayrinayaa, oo la sheegayaa in xoolihii gabaabsi yihiin, dadkii dhulkaa ku noolaana ay sii tabar darraynayaan.
Degmooyinka Dilla iyo Magaalo cad ayaa iyana ay qaylo dhaan taa la mid ahi ka soo yeedhaysaa, waxana dadku qarka u saaran yihiin in ay u li’daan abaartaa xun ee dalka iyo dadkaba saamaynta ku leh.
Awdalpress.






