Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Beelaha Habar Gidir Oo diiday Maamulka saddexda gobol ee Koonfur Galbeedka Somalia iyo dawladda Federaalka ah iyo caalamka oo soo dhaweeyey.

$
0
0

Breaking_news-620x3301Odayada Beelaha uu afhayeenka u yahay Xaadow ayaa ku gacan saydhay Maamulka saddexda Gobol ee laga maamuli doono Baydhaba, saddexdaa maamul oo ay ku jirto gobolka Shabeellada Hoose ee Marka. Laakiin waxa maamulkaa soo dhaweeyey beelaha Daarood iyo kuwa kale ee Hawiye. Balse waxa ka biyo diiday beelaha Habar Gedir oo aan doonayn in ay Marki hoos timaaddo Baydhabo.

Ururka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dhawaan ay dowladda Somaliya ku aqoonsatay maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed, kaasi oo muran badan uu ka taagan-yahay ilaa iyo hadda.

“Tani  waxa ay ka tarjumaysaa ahmiyadda ay leedahay in la hormariyo dhismaha dowladeed ee Soomaaliya “ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Brussels ,kaasi oo looga hadlayay heshiiskii dhawaan ka dhacay madaxtoyada Somaliya.

“Waxaan ugu baaqaynsaa dhinacyada   ay qusayso oo dhan in ay hubiyaan dar-dar galinta waxyaabah looga baahanyahay maamulkan “ayuu  yiri Michael Mann oo ah afhayeenka xog-hayaha arimaha dibadda Midowga Yurub, Catherine Ashton.

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay kaalinta dowladda Soomaliya ee ku aadan fududeynta maamulkan ,iyadoo si gaar ah loogu baaqay in horey loo sii wado dib  u soo celinta nabadda iyo xasiloonida dalka oo dhan.

Sidoo kale war-mutiyeedkan ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu maamulkan cusub ka taageeri doono dhinacyo badan ,isla markaana uu ka jawaabi doono baahiyada shacabka dagan Koonfur galbeed sida uu xusay Michael .

Ugu danbayntii waxaa heshiiskan ka soo horjeesatay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre iyo xubno ka tirsan maamulkii lixda gobol, inkastoo beesha caalamka iyo qaar ka mid ah maamulada ka jira Somaliya ay soo dhaweeeyeen.

Ra’iisal wasaaraha Somalia Mudane Abdiweli oo maalintii shalay ahayd socdaal ugu kici timay waddan dibadda ah ayaa isna mar lagu warsanayey Madaarka sheegay in heshiiskii lagu guddoonsaday maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia uu sharci yahay.

Awdalpress.com

 

 

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta25-47156.htm#sthash.yTFmFBzn.dpuf


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images