Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland Janaral Mohamed Nour Osman ( Cansharaar ) oo ka hadlay arrimo xasaasi ah.

$
0
0

Breakingnews.Awdalpress – London – Ugu horreyn  Jaranal  Mohamed oo maanta la soo xidhiidhay shabakadda awdalpress.com ayaa ummadda Somaliland shacab iyo dawladba u diraya hambayada calan saarkii iyo xorriyaddii dalka Somaliland oo ku beegan maanta oo ah 26/06/14, taasi oo ay ka soo wareegtay 54 sanndood. Waxana uu ilaahay uga baryayaa in sannadka sannadkiisa uu bash bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo. Sidoo kale waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa dawladda Djabouti iyo shacabka reer Djabouti. Oo uu iyagana ugu hambalyeynayo maalinta xorriyadda Djabouti ee 27ka Jun.   Waxa kale oo uu Bisha Ramadaan u hambalyeynayaa ummaha muslinka ah ee labada dal iyo guud ahaanba caalamka Islaamka.

 

Janaral Mohamed Nour Osman(  Cansharaar ), oo sannaddadii 2008 – 2010 …. wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale  ahaa taliyihii  ciidanka Sirdoonka Somaliland, oo la soo xidhiidhay shabakadda wararka iyo faallooyinka ee awdalpress.com. Ayaa waxa uu nooga warramay arrimo  ay ka mid yihiin warar lagu soo qoray shabakadaha, oo ay ka mid ahayd… in Taliyihii ka dambeeyey oo ay isku magac yihiin, eedaymo u soo jeediyey Madaxweyne Ahmed M Siilaanyo, isla markaana wararka shabakadahaasi ku qorraa ay sheegeen in uu dacwad ka gudbiyey Madaxweyne Ahmed Siilaanyo. Ka horna  uu saxafadaha madaxa bannaan u sheegay in uu ka mid noqday xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.

 

Taliye Mohamed ayaa waxa uu yidhi,’  Kaddib markii aan telefoonno badan ka helay dad aad u badan, taasi oo ay I weydiinayeen in ay aniga tahay  qofka ku biiray xisbiga Wadani dhawaan, isla markaana dacwadda ka dhan ah Madaxweyne Ahmed M Siilaanyo u gudbiyey lawer reer London ah. Iyaga oo na kala garan waayey aniga iyo Janaral Mohamed Nour Hirsi, oo mid ahaa madaxdii iiga dambeysey xilka hay’addaasi sirdoonka. Waxan halkan dadweynaha uga caddaynayaa in aanay aniga ahay qofka Madaxweynaha dacweeyey amma xisbiga Wadani ku biiray.

Waxanan madaxdii xilka iiga dambeysey xasuusinayaa in mihnadda Sirdoonku ay tahay mid xasaasi ah, oo saamayn ku leh muxaafid iyo mucaarid, xukuumad iyo shacabba, isla markaana ah mas’uuliyad siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo nabadgelyada ummadda dalka iyo dalalka kale ee caalamka, gaar ahaan kuwa danaynaya Somaliland.  Mihnaddani maah mid lagu aar goosto, gaar ahaan xilligan aanaynu ictiraaf haysan, ee dalkeenna iyo ummaddiisuba ay nugul yihiin cadawga gudaha iyo ka dibaddaba, balse waxtar innooga baahan. Waa ammaano qaran, oo kula socota mar kasta iyo xilli kasta. Lagaagana baahan yahay in ay sirta ummadda aan u haysaa ay xafidnaato.

 

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images