Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

XULASHADA: Qurba jooggii Somaliland ee Toronto qaarkood oo ay isaga qasantay qabyaaladda iyo dawladnimadii oo fadeexaddoodii bannaanka u soo saaray ( Halkan ka daawo ceebta taagan ).

$
0
0

Shame-HeaderAwdalpress – London – Shir beeleed lagu lafa gurayey sidii ay beesha subeer Awal dalka Somaliland u xukumi lahayd mustaqbalka, kadibna u aar goosan lahayd iyo cabashooyin badan oo kale ayaa waxa isugu yimid rag aan geyin in ay ku hadlaan afka beesha Subeer Awal, waxana ay u dhacday sida aad ka daawan doontaan cajalahadda.

Haddaba, Sidani ma ka run baa dadkani? mise waa sida ay marka horeba u fekerayeen ee u qarsoonayd? oo xadhkaha goosatay ama ay qarsan kari waayeen, ma anaa waalan buu yidhi mise cadan baa laga heesayaa. Bal dadkan xanuunsanaya ee dib u soo noolaynaya danbiyadii taariikhada Somaliland baalka madaw ka galay eega. Ma Somaliland horumarkeeda ayaa sheekadeedu sidan tahay? mise waa macno sillan, oo iska barakaysan?

Waxan filayaa qabiilkii aan aqaannay ee sharafta badan lahaa in aanay dadkani matalin, ee ay yihiin kuwo u soo ururay xumayntiisa. Nin aan wada dhageysanayney filimkan ayaa inta uu mooday in odayada hadlayaa qaar hor joogaan, ayaa is moogaasho la’aan u yidhi, ‘ Abti waan kuu khajilayaaye iska aammus waxba ku hadli mayside.’….waan qoslay, waxanan u sheegay in uu ninkani youtube-ka ka hadlayo.

Bal hadda nala daawada:

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles