Awdalpress – Nairobi – Dayuurad kuwa xamuulka qaadda ah oo Somalia u sidday geedka Qaadka amma Jaadka la yidhaa ayaa ku dul bur burtay dhismo ku yaala magaalada Nairobi, shilkaas oo ay ku dhinteen afartii qof ee saareyd dayuuradda.
Wax yar ka dib markii ay dayuuraddaasi ka duushay garoonka Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi, ayaa waxa ay ku dul dhacday dhisme laba dabaq ka kooban oo ay ku yaallaan dukaamo yar yar.
Dayuradda ayaa gabi ahaanba holacday, waxana ay ku dul bur burtay qeyb ka mid ah dhismaha oo basbeelay.
Baadhayaasha ayaa sheegay in laga yaabo in dayuuraddu ay ku dhacday baale koronto ka hor inta aanay burburin.
BBC