Awdalpress – London – War aan la garanayn meel laga keenay oo lagu soo qoray shabakad ka mid ah kuwa qurba joogga reer Awdal maamulaan, ayaa lagu sheegay in boramanews.com laga habaaray masaajiddo Borama ku yaalla, warkaasi oo aan sal iyo raadtoona lahayn, mar aan hawl wadeennada shabakadda la xidhiidhnayna waxa ay ii sheegeen in aanay wararka noocaasi ah u joojinayn, isla markaana aanay u arkayn war ay xiiso u qabaan, ujeeddada riqiiska ah ee laga leeyahayna ay fahamsan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo kala jooga geyiga Somalidu degto iyo qurbaha oo nala soo xidhiidhay ayaa iyaguna noo sheegay in aanay shabakadda boramanews.com geyin aflagaado iyo wax la mid ah, ayna u adeegto bulshada ku hadasha afka Somaliga.
Shabakadda awdalpress.com waxa ay aad u soo dhaweyneysaa sida fiican ee shabakadda boramanews.com u hawl gasho.
Halkan hoosena ka daawo mas’uulliyiin ka hadlay hadallada lagu soo qoray shabakad ka mid ah kuwa ay reer Awdal maamulaan.
Awdalpress.com