Awdalpress – Muqdisho – Kaddib weerarkii ay kooxda dablayda ahi ku soo qaadday Madaxtooyada Somalia, waxa soo baxaya warar ka imanaya ila wareedyo sugan oo ku soo baxay saxaafadaha qaar, kuwaasi oo tibaaxaya in uu Madaxweyne Hassan garawsaday in uu lumiyey kalsoonidii shacabka iyo kii caalami ahaa ee ku saabasanaa sugidda ammaanka xafiisyada dawladdiisa iyo ka dalkaba, sidaasi daraaddeedna ay khasab ku noqotay in uu awoodihiisii la xidhiidhay arrimaha ammaanka uu ku wareejo Ra’iisal wasaare Abdiweli.
Awoodahan uu Madaxweyne Hassan uu xorriyadda buuxda u siiyey Ra.iisal wasaare Abdiweli ayaa waxa ka mid ah:
1. Inuu faragaliyo wax waliba oo uu u garto inay ka dhalan karaan Ammaan darri dhan waliba saameyn karta.
2. In uu ra’iisal wasaaruhu xilka ka qaadi karo qof wal oo uu u arko inuu gudan waayo howlaha loo igmaday, halkii xiligii hore laga hor istaagi jiray.
3. Ra’isulwasaarahu waxa uu xor u yahay inuu si aad ah ula socdo hawlaha ka socda Madaxtooyada islamarkaana aan la hor istaagi karin amar kasta oo xafiiskiisa ka soo baxa
4. In mas’uuliyiinta la magacaabiyo la soo maryo ra’iisal wasaaraha illaa uu oggolaadana aan la magacaabi karin, halka weerarkan ka hor uu ku khasbanaa in uu saxeexo uun.
Awoodahan u eg in uu ra’iisal wasaaruhu kala wareegay Madaxweynaha, ayaa muujinaysa tanaasulka uu Madaxweyne Hassan sameeyey xilligan. Waxana loo sababinayaa weerarkan ay kooxaha mitidka ahi ay ku qaadeen Madaxtooyada. Gaar ahaan tuhunka soo dhex galay shaqaalaha ka shaqeeya Madaxtooyada ee loo tirinayo in ay isku qabiil yihiin Madaxweynaha. Sidoo kale waxa mas’uuliyiinta amniga ee madaxweynuhu magacaabay loo arkay mid aan kalsooni badan lagu qabi karin.
Awdalpress.com