Marka ay ummadi doonto in ay sharaf ahaan iyo qoomiyad ahaan u jirto, oo damac ka galo in ay awooddooda midnimo ku gaadhaan nolol xor ay u yihiin iyo maamul aan loo yeedhin amma aan lagu muquunin oo aanay cid kale u daba fadhiisan, waxa u soo baxa shakhsiyaad iyaguna dan madaxnimo leh, oo duurka ay u wada hoydaan si ay ula qaybsadaan halganka iyo dhibta loo mariyo hiigsigaasi. Waxana tusaale innoogu filan, halgankii SNM iyo sida uu uga dhex muuqdo Madaxweyne Ahmed Siilaanyo, oo isagu wakhtigaa isaga soo tegey dawladdii Millatariga ahayd ee uu wasiirka ka ahaa. Kana door biday in uu jabhadda degaankiisa ka qayb galo, waxana uu ka gaadhay illaa iyo uu ka noqday hoggaamiye.
Muuqaalkan horena waxa Ahmed Siilaanyo oo wakhtigaa duurka ku jira.
Halkan nagala daawo muuqaalka koowaad oo Ahmed Siilaanyo ah;
Muuqaalkan labaadna waa Dr. Ali Khalif Galayr oo isna xilligan ku hawlan sidii dadkiisa gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay u yeelan lahaayeen maamulkooda, ee aanay talada u daba fadhiisteen reer kale, maaddaama ay Somalia u kala googo’day reer reer iyo gobollo. Waxase hawl cusus oo uu adkaysi badan u muujiyey ku haysa, dhaqaale xumada iyo dhallintiisa la iska hor keenayo, ee ay dhaqaale xumadu kallifayso. Labada maamul ee hareeraha ka xiga oo ah Somaliland iyo Puntland ayaana cadaadis badan oo dhaqaale iyo millatari ka haystaa. Isna waxa u muuqata aragtida ay beesha caalamku gobolladaasi ka aamminsan tahay, ee haddii ay dadkaasi ku raaci lahaayeen ujeedkiisa ay labada maamulba kaga xoroobi lahaayeen. Haddii ay sidaa heli waayaanna ay si fiican labada maamul midkood ay sharaf ugu dhex yeelan lahaayeen.
Bal iyana halkan nagala daawada Dr. Galayr oo duurka ugu jira halgankaasi.
Awdalpress.com