Awdalpress – Borame – Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo wafdi uu hoggaaminayey oo uu ka mid ahaa wasiirkii hore ee Macdanta Eng. Osman Sh.Abdi, agaasimayaal iyo siyaasiin miisaan culus ku leh gobolka Awdal. Ayaa ka qayb galay munaasibad ay agab caafimaad kula kala wareegayeen hay’adda khayriyada ah ee la yidhaa Amal, oo uu mas’uul ka yahay wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Osman Sh. Abdi iyo Borama Hospital. Qalbkan oo ay hay’addu deeq ahaan uga heshay hay’ado Talyaani ah, ayaa ah qalab aad loogu baahan yahay, gaar ahaan dhinaca wadnaha iyo xididdada oo dhakhtarrada u fududayn doona baadhista bukaan socodka iyo dadka la il daran xanuunnada wadnaha. Waxana qiimaha qalabkan uu Osman ku sheegay in ay gaadhayso $552,000 oo u dhiganta $700,000.
Maaha markii ugu horreysey ee ay hay’addani Amal deeq noocan ah guddoonsiiso cusbatal ku yaalla Somaliland, balse waxa ay hore cusbatalka Hargeysa u keentay qalab noocan oo kale ah.
Xafladdiina sidan ayey u dhacday ee nala daawada:
Awdalpress