Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

TACSI: Marxuum Ibrahim Faarax: “Shakhsi Muslimo iyo Soomaalinimo ku weyntahay oo Muqdishu lagu dilay”

$
0
0

tacsiINNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda
Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey

Dar guryii ka yimi baa war baas iila soo galaye
Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge

            Abwaan Cali Jaamc Haabiil AHN

 

Saacaddu waa abaarihii 8dii fiidnimo ee shalaly oo bisha July ay aheyd 14ka sannadda 2014ka, waxan ka soo baxay shir lagaga hadalayey arrimaha caafimaadka xaafaddani Brent ee aan deganahay oo ku taalla galbeedka London, waxaa ila soo hadaly saaxiibkey Cali  oo aan muddo badan ka wada shaqayn jirray wakaaldii Daaqa Qaranka oo ii sheegay war aan aad uga naxay ugana xumaaday kaas oo ahaa in saaxiibkey Ibraahim Faarax  maanta ay duulka habaarka qaba ee hubeysani ku dileen magaalada Muqdishu.  Waxaa mar kaliya i soo hormaray sawirkii Ibraahim Faarax iyo wajigiisa furnaa, kaftankiisii iyo waayihii aan soo wada marray illaa iyo muddo gaadhaysa  25 – 28kii  sannadood ee aan asxaabta ahayn.

 

Alla ha naxariistee intaan ogahay Ibraahim Faarax wuxuu ku dhashay gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beledweyne , waxaanu uu ka soo jeedaa qoys xoolo dhaqato ah.

Ibrahim Faarax wuxuu ka mid ahaa ardeydii ka baxday machadkii  dhirta iyo Ugaadha ee ku yaalay Afgooye (Afgoi Forestry and Wildlife Training Centre ) bilowgii sannadihii 1982-4. Alla jannadii ha ka waraabshee Ibraahim   wuxuu la shaqeeyey mashruucii dhirta  (Forestry Inventory) oo ka mid ahaa mashruucii British Forestry Project Somalia dawlada UK  maalgalineysay  waxaa markii dembe wax barasho aan u wada tageney UK halkaas oo aan ku dhameysaney waxbarashadii nasiib darase ay noo suurageli weydey inaan dadkaygii iyo dalkayegii uga faa’iideyno waxbarashadayedii oo aheyd dhirta, dhawritaanka iyo daryeelka kheyraadka dabiiciga ee dhulkeenu leeyahay, madaama dagaal sokeeye dalku galay sannadkii 1991 ayna adkaatey in ilaa manaanta ay Soomaali sheikh, shariif, iyo siyaasi la’ayihiin xal .

Ibraahim wuxuu ka mid ahaa dadkii aqoonyahanada ahaa ee aadka u caawiyey dadkii Somaaliyeed ee qaxootiga ku yimid dalkani UK isago oo waddankii ka soo qabtey shaqooyin muhiima oo kala duwan iilaa 20kii sano ee u dembeeyey.

Ibrahim Farah alla u naxariitee wuxuu ka mid ahaa dadka aad u daneeya dalkiisa hooyo mar walbana jecel inuu waxa uu qaban karo u qabto taas ayaana keentey inuu mudooyinkani dembe ku laabto dalkiisa hooyo gaar ahaan Muqdishu si uu bal u uga qeyb qaato isku dayga dib cagaha loogu joojinayo dawladnumo Soomaaliyeed. Nasiib darrose muu helin fursad maaddaama dhagar qabayaal ku mamay dhiigga dadka Soomaaliyyed maalin cad ku dileen Ibraahim magaaladda Muqdishu,  gaar ahaan sida la soo wariyey Xaafadda Xamar Jajab. Waxay u muuqataa iney ahaayeen  dhagar qabayaal ogaa inaaan cid ka daba tageysa ama qabaneysa oo sharciga hor keeneysaa ineysan jirin waayo waa maalin cad iyo magaaladdii Muqdishu dhexdeedii.

Waxaan aad uga xumaaday ugana naxay warbaahnita qaarkeed oo qortey inuu Ibraahim Faarax ahaa sarkaal la shaqeeya nabad sugid.  Intaan ogahay waxan ku war gelinayaa bulshadda Soomaliyeed In marxuum Ibraahim Faarax ahaa shaksi daneynaya danaha dadka iyo dadka Soomaaliyeed kana shaqeynayey hawlo gargaar oo aan lug ku lahayn haba yaraatee hawlo la xidhiidha amnga waayo wuxuu ahaa marxuumku aqoonyahan garanaya halka uu  kartida u leeyahay ku haboon in wax lagaga qabto . Su’aashuse waxay tahay dhaqar qabayaasha dilay ma kala jecelyihiin inuu Ibraahim hawlo gargaar ahaa hayey  iyo in kale iyaga xagooga waa guul dilida shakhsi muslinimo iyo Soomaalinimodu ku weytahay.

 

Ilaahay jannaddii ha ka waraabiyo marxuum Ibraahim Faarax xaaskii iyo carruurtii uu ka tageyna Samir iyo iimaan ka siiyo

 

Waa Qorey

Maxmuud Cumar Sh Ibrahim

London

15th Juulaay 2014

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles