Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qoraaga Cabdiqaadir Oromo oo geeriyooday

$
0
0

OromoAwdalpress(London) 16 July, 14–Allaha u naxariistee Cabdiqaadir  Macallin Cismaaan (Oromo) oo ahaa qoraa Soomaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

Mid kamid ah ehellada marxuumka ayaa u xaqiijiyey Bar-kulan geerida Oromo, wuxuuna sheegay in  maalmihii u dambeeyey uu hayey xanuun dhinaca beerka ah.

Cabdiqaadir Oromo oo ahaa qoraa caan ah ayaa qoray buugaag badan oo ka hadlayey taariikhda iyo marxaladihii ay Soomaaliya ay soo martay.

Buugaagta uu qoray waxaa kamid ah, Sababihii Burburka  Soomaaliya, Sooyaalka Soomaaliya, Hadimda Gumeysiga iyo Ciirka Colaadda iyo burburkii Soomaaliya.

Cabdiqaadir Oromo ayaa sidoo kale qoray sheekooyin ay ku jiraan Dhagax Kariye, Been dhoobe Toban Kunley iyo kuwo kale.

Source: RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles