Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidammo ka tirsan kuwa Police ka Somalia ee Muqdisho oo xoog ku joojiyey cutub ciidammada AMISOM ah

$
0
0

AmisomAwdalpress – Muqdisho – Ciidammo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa manta is hortaag ku sameeyay kolnyo gaadiid ah ay wateen Ciidamaa Midowga Afrika ee AMISOM kadib markii ay gaadiidkaas mid kamid ah uu kusoo dhacay gaari dad shacab ah ay lahaayeen.

Gaari Cabdi Bille ah ay lahaayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo kadaba yimid gaadiidka AMISOM ayaa isku horgooyay laamiga ay mari lahaayeen , waxaana Ciidamada AMISOM ay ku qasbanaadeen in AMISOM ay gaadiidkooda joojiyaan ayna ka soo dagaan.

Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM oo saarnaa gaadiidka Kolonyada ay wateen ayaa kazoo dagay gaadiidka waxa ayna raali galiyeen milkiilaha gaarigii ay kusoo dhaceen iyagoona u balan qaaday in ay u sameenayaan.

Waxaa Xusid mudan in gaadiidka AMISOM ay saarnaayeen Saraakiil cadaan ah oo iyagana wata qoryo kuwaa oo la arkayay iyaga oo laamiga ku dhax lugeenaya kadib markii gaadiidkii ay saarnaayeen la hakiyay.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee muujiyay geesinimada ayaa ugu dambeyn waxa ay fasaxeen kolonyadii Ciidamada AMISOM oo mudo daqiiqado ah ku xayirnaa laamiga Maka Al-Mukarama gaar ahaan agagaarka Isgooska Dabka.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles