Awdalpress(Muqdisho) 03 Jun, 13–Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u soo jeedisay dowladda Koonfur Afrika inay badbaadiso nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku sugan.
Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wafdi u diri doonto Koonfur Afrika, si wax looga qabto dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida.
Cabdisalaam oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa yiri:
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, waxa ay aad uga xun tahay dhacdooyinka murugada leh ee lagu dilay, laguna dhaawacay muwaadiniinteeda, hantidoodana lagu boobay intii ay socdeen rabshado is xig-xiga oo ka dhacay magaalooyinka Pretoria, Diepsloot iyo deegaanka Booysens Park oo ka tirsan Port Elizabeth.
Wasaaraddu, waxa ay ka muujineysaa dareen naxdin leh falka dhagaxa loo adeegsaday ee lagu silac dilay 29–kii May muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, goobtiisa ganacsina lagu boobay, si la mid ah waxaa isla deegaanka Booysens Park ee magaalada Port Elizabeth oo dhacdada argaggaxa leh ay ka dhacday lagu boobay dhammaan rugaha ganacsi ee Soomaalida.
Wasaaraddu , waxa ay dib u xusuusineysaa shacabka iyo dowladda South Africa taageeradii gumeysi diidka ahaa, taa beddelkeeda in aanay Soomaaliya maanta fileyn in dadkeeda lagu gumaado waddankaasi oo loola bareero dil, kufsi, boob iyo barakicin , waxaan u aragnaa nasiib-darro, qalbigeennuna wuxuu tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska iyo dhibbanayaasha Soomaaliyeed, sidaas darteed, Wasaaraddu waxa ay ku dhawaaqeysaa qodobadan :
1- Waxaan garab taagannahay muwaadiniinteenna ku dhibaateysan dalka South Africa.
2- Waxaan ka codsaneynaa dowladda iyo shacabka South Africa inay is garab- taagaan dadka Soomaalida ah ee waddankooda ku nool, ayna xil iska saaraan badbaadada naftooda iyo hantidooda.
3- Waxaan ugu baaqeynaa dowladda South Africa inay gacan bir ah ku qabato dhammaan dambiileyaasha caadeystay falalka bini’aadannimada ka baxsan ee fuleynimada ah, ee ka dhanka ah dadka Soomaalida ah, ayna horgeyso maxkamad, si loogu xukumo ciqaabta dambiga ay galeen.
4- Waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool South Africa inay xushmeeyaan sharciyada kala duwan ee dalkaas.
RBK





