Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dayyib Erdogan: Kooxaha mudaharaadka wada waa dad Argagaxiso ah!

$
0
0

erdogan-Awdalpress(Istanbul) 04 Jun, 13–Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in kooxaha mudaharaadka ka bilaabay dalkaasi ay yihiin kuwo raba inay shacabka argagaxiyaan.

Tayyib Erdogan ayaa sheegay in kooxaha kasoo horjeeda xisbigiisa ay doonayaan inay qas bilaabaan markii looga guuleystay doorashooyinka, wuxuuna sheegay in qaabkaasi aan isbedal lagu gaarin.

Hadalada Raysalwasaaraha ayaa imaanaya iyadoo ay muddo 4 maalmood ah sii socdaan mudaharaadyada ka dhanka ah xukuumada Tayyib Erdogan.

Dadka mudaharaadka wada ayaa intooda badan ah dadka Calmaaniyiinta ah oo si weyn uga cabsi qaba Xisbiga Erdogan ee Islaamiga ah oo dib ugu soo celiyey wadankaasi dhaqankii Islaamka.

Erdogan ayaa tan iyo intuu xilka qabtay sharciga ka saaray sharuuc ka dhan ah diinta islaamka sida, Sharcigii mamnuucayey in haweenka ay xijaabka qaadan karaan, xukuumadiisa ayaa sidoo kale dhawaan soo rogtay in makhaayadaha iyo hotelada aan khamrada lagu gadi Karin wixii ka bilowda 10ka fiidnimo illaa 6da subaxnimo.

Tilaabooyinkan ayaa waxaa feersocday olole xoogan uu ku qaaday Erdogan xoogaga Militariga oo horey awooda dalkaasi ugu lahaan jiray iyo waliba saxaafada garabka siin jirtay, wuxuuna Raysalwasaaraha xabsiga dhigay qaar kamid siyaasiyiinta kasoo horjeeda, saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga iyo suxufiyiin la sheegay inay qorsheenayeen dhaq dhaqaaq xilka looga tuurayo xukuumadiisa.

Arrimahan ayaa la sheegay inay sabab u yihiin rabshadaha hada ka bilowday dalka Turkiga, waxaana la sheegay in dadka calmaaniyiinta ah ay ka cabsi qabaan in Raysalwasaare Tayyib Erdogan uu markale ku guuleysto doorashooyinka soo socda sanadka danbe.

Mudaharaadka ayaa ka bilowday todobaadkii tagay qorshe la sheegay in dhismo laga hirgelinayey fagaaraha Tagsiim ee magaalada Istanbuul, balse mudaharaadka ayaa ku fiday magaalooyinka kale sida caasimada Ankara oo ay dadka mudaharaadayey xalay weerar ku qaadeen xafiiska Raysalwasaaraha.

Illaa iyo hada 1700 qof ayaa la sheegay in loo xiray rabshadaha ka socda maalmihii lasoo dhaafay dalkaasi Turkiga. Sidoo kale hal qof ayaa xalay ku dhintay rabshado ka dhacay koonfurta Turkiga.

Iskaashatooyinka Shaqaalaha ee dalkaasi Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin socon doonta 2 maalmood.

Star


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images