Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Soomaaliya oo yeelatay booliska rabshadaha ka hor-taga (Daawo Video)

$
0
0

booliska-rabshadahaAwdalpress(Muqdisho) 04 Jun, 13–Howlgalka Midgow Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray booliska rabshadaha ka hor-taga oo tiradooda ay gaareyso 1071 askari.

Tababarka oo socday labo toddobaad ayaa ka dhacay akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

1071 oo isugu jira rag iyo haween ayaa si hufan u qaatay tababarka oo ay bixinayeen tababarayaal boolis oo ka tirsan waaxda booliska ee AMISOM.

Booliska ayaa la baray sida dadka loo badbaadiyo, la tacaalidda afduubka, ilaalinta dadka madaxda ah, xakameynta dibadbaxyada iyo isticmaalka sunta dadka ka ilmeysiisa ee lagu kala eryo dibadbaxayaasha.

Dhowr jeer oo hore ayuu howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM tababarro kala duwan siiyay askar ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed, dedaalkan oo qeyb ka ah sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd ciidan tayo leh oo soo celiya ammaanka iyo kala dambeynta.

Linkska Hoose ka Daawo oo Guji.

http://vimeo.com/67544716

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images