Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Lix qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Kismaayo

$
0
0

Awdalpress(Kismaayo) 18 July, 14–Lix qof  ayaa ku dhimatay, afar kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa oo galabta lagu weeraray guri uu magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka degan yahay Iftiin Xasan Baasto oo ah madaxa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Wiil uu dhalay Iftiin Xasan Baasto, saddex ka tirsaneyd ilaaladiisa iyo laba qof oo rayid ahaa ayaa ku dhintay weerarka.

Iftiin Xasan Baasto ayaa Bar-kulan u sheegay inuu gurigiisa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay, uuna kabadbaaday.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka magaaladda Kismaayo, waxaana dhici karta inay kororto khasaaraha ka dhashay weerarka.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles