Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Danjiraha cusub ee Turkey oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho

$
0
0

turkigaiyoSoomaali0Awdalpress(Muqdisho) 18 July, 14–Xaflad lagu sagootinayay danjirihii hore ee Turkiga ee Soomaaliya Kamaludin Kani Torun, laguna soo dhoweynayay danjiraha cusub ee lagu beddelay ayaa maanta lagu qabtay aqalka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay dalka Soomaaliya ka hirgelisay mashaariic badan oo wax loogu qabanayo shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ay jiraan mashaariic kale oo ay maalgelinayso dowladda Turkiga oo dhowaan laga fulin doono gobollada dalka.

Danjire Kamaludin Kani Torun, oo isaguna ka hadlay madasha ayaa sheegay gurmadkii ay dowladda Turkiga u fidisay Soomaaliya uu ahaa mid bini’aadannimo.

Kamaludin Kani Torun wuxuu ahaa danjiraha Turkey ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles