Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

TACSI: Hawl wadeennada Shabakadda Awdalpress waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa guud ahaanba ummadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaanna fannaaniinta, suugaan yahannada iyo dadka dhaqanka u ehelka ah.

$
0
0

tacsi (1)INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN…

Waxa maanta la makalay Allaha u naxariistee Fannaanaddii weyneyd ee Saada Cali Warsame, waxana dilkeeda sheegtay kooxaha la yaqaanno, ee ku dhuumaalaysta Muqdisho ee magacyada badan leh, laakiin ummadda Somaliyeed ay sida ugu xun uguna dhakhso badan uga aarsan doonto. In ay haldoorka dalka laayaan ayey baryahan caadaysteen, hadh iyo habeenna waxa ay ku hawlan yihiin sidii ay dhiigga labeenta Somaliyeed u daadin lahaayeen.

Haddii aan nahay hawl wadeennada shabakaddan awdalpress.com waxa aan tacsi u diraynaa dhammaanba muwaaddiinta Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan, magac kasta oo ay kala sheegtaanba. Si gaar ahna waxa aan geerida ku timid Marxuumad Saacdo Cali uga tacsiyadaynaynaa waxgaradka tirada yar ee dadkii u hadhay, fannaaniinta tirada yar ee dadkii u hadhay iyo suugaan yahannada tirada yar ee dalkii iyo dadkii u hadhay. 

Dhacdadan lagu dilay Marxuumad Saada Cali waxa aan ku cambaaraynaynaa ugu horreyn dawladda ku meel gaadhka ah ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Hassan Sheikh, dawlad goboleedyada dalka ka samaysmay, duubabka hor fadhiga u ah qabiilooyinka ee ku hadla magacyada qabaa’ilka, sidoo kale waxan cambaaraynaynaa dhiigya cabyada dalka xubin xubin u kala jarjaray, ee shacabkii Somaliyeed dulleeyey, halaagga baday, ee weliba ku adeegta maatida iyo wax ma garatada aan caqli aqoon midna lahayn. Si ay uga macaashaan dhiigga shacabka ee maalin walba daadanaya.

Falkani waxa uu noqonayaa mid dalka sii baabi’iya amma soo af jara dhiigga maalin walba daadanaya.

Mar labaad iyo marar kaleba, haddii aan nahay hawl wadeennada shabakaddan awdalpress.com waxa aan tacsi u diraynaa dhammaanba muwaaddiinta Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan, magac kasta oo ay kala sheegtaanba. Si gaar ahna waxa aan geerida ku timid Marxuumad Saacdo Cali uga tacsiyadaynaynaa waxgaradka tirada yar ee dadkii u hadhay, fannaaniinta tirada yar ee dadkii u hadhay iyo suugaan yahannada tirada yar ee dalkii iyo dadkii u hadhay.

 

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles