Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiyihii Ciyaaraha ee Degmada Boondheere oo maanta duhurkii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

$
0
0

Pistol_SlideleftAwdalpress – Muqdisho – Kooxo aan haybtooda la garanayn kuna hubeysnaa bistoolado ayaa Duhurnimadii Maanta waxa ay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ku dileen Guddoomiyihii Ciyaaraha ee Degmadaasi .

Goob jooge ku sugan Degmada Boondheere ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaro Bistoolado ku hubeysnayd ay dileen Guddoomiyihii dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Degmada Boondheere ka dibna ay goobta isaga baxsadeen.

Guddoomiyaha dhinaca Ciyaaraha ee Degmada Boondheere ayaa Degmadaasi waxa uu ka qaban qaabiyey Tartan Sports oo loogu tala galay bisha barakeysan ee Ramadanta , waxaana kooxo aan la garan ka dalbadeen uu tartanka joojiyo ama ay dili doonaan sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah dhalinyarada aadka ugu dhawaa Marxuunka .

Kooxihii dilka u geestay ninkan sida weyn looga yaqaaday Degmada Boondheere ayaa goobta isaga baxsaday, ciidamo katirsan Dowlada oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaano aan natiijo dhalin ka sameeyay halkaasi.

Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan dambe waxa ay ahaayeen kuwa caadi ka noqday Magaalada Muqdisho , waxaana siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilay inta bisha Ramadaan lagu jiray dad ka badan 50-qof oo isugu jira Masuuliyiin ,Ciidamo iyo waliba dad Shacab ah.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles