Awdalpress – Dhuuso mareeb – Maamul u samayntii gobollada dhexe ee Somalia, oo maalintii shalay Magaalada Muqdisho loogu qabtay Munaasabad aad u weyn oo ay ka soo qayb madax ay hoggaaminayeen Madaxweynaha Somaliya Mudane Hassan Sheekh, Ra’iisal wasaaraha Somaliya Mudane Abdiweli Sh. Ahmed iyo madaxda beesha caalamka uga wakiilka ah Somaliya oo uu hoggaaminayo Nicholas Kay. Munaasabaddaa oo Maamul midaysan loogu dhisaayay Gobollada Dhexe, ayaa waxaa ka biyo diiday is maamulka Xibin iyo Xeeb, Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo awood badan ku leh Galgaduud iyo maanta oo Madaxweynaha Punland uu si weyn uga qaylyey, isaga oo weliba waa Abdiweliye ku daray in aanu maamulkiisu wada shaqayn la yeelanayn dawladda Federaalka ee saldhiggiisu yahay Muqdisho.
Maamulka Ahlu Sunada ee Gobolada Dhexe Dalka Somalia oo qeyb ka ahaa Shirka ayaa waxa ay goor dhoweyd daboolka ka qaadeen inay ka horyimideen heshiiskii shalay lagu kala saxiixday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Sheekh C/risaaq Cali Mire ‘’Ashcari’’ oo ah Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxa uu sheegay inay dib uga laabteen Heshiiskii ka dhacay maalinimadii shalay Xarunta Villa Somalia. Halka xaruntooda Guri ay oday dhaqameedyada degaankaasi ugu tunka buurani ay iyaguna kalsoonidii kala noqdeen maamulka Ehlu Sunna wal jamaaca.
Maamulka sare ee Ahlu Sunna ayaa sheegay in markii hore ujeedka shirku uu ahaa in Maamul Goboleed loogu soo dhiso Gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, waxana uu tilmaamay inay xiligaani qaadaceen heshiiskaasi.
Guddoomiyaha Ahlu Sunna ayaa saxaafadda u sheegay in masuuliyiinta Ahlu Sunna ay xalay kulan deg deg ah ka yeesheen heshiiska Madaxtooyada Somaliya lagu qabtay, isla-markaana ay u soo baxday in uu yahay mid aan la aqbali karin xiligaani.
‘’ Haddii aannu nahay Ahlusunna nooma muuqato weji aan ku qanacnay, shir degdeg ah oo aan qaadanayna waxan ku go’aaminay in aan ka laabano kalsoonidii aan shirkaasi uga qeybgalnay kumana qanacsanin heshiiskaasi’’ ayuu yiri Sheekh C/risaaq Cali Mire (Ashcari)
Awdalpress





